Ciidanka kumaan dooska danab iyo ciidanka gorgor ee xooga dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya dadka deegaanka ayaa dagaalamayaasha Al-Shabaab ka qabsadeyn deegaanno ka tirsan Dowlad Gobaleedka Galmudug gaar ahaan Gobolka Galgaduud.
Ciidanka Dowladda oo kaashanaya dadka deegaanka ayaa AS ka qabsaday deegaannada Baraag Sheekh Caamir, Tixle, Ceel Cali Axmed iyo Cali Heelle oo ka wada tirsan Degmada Galcad ee Gobolka Galgaduud ee Dowlad Gobaleedka Galmudug.
Saraakiisha Ciidanka ee hogaaminayay howlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab oo la hadlay warbaahinta ku hadasha afka dowladda ayaa sheegay in Howlagalladaan la sii wadi doona, iyaga oo sheegay in uu qeyb ka yahay wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.
Guud ahaan Gobollada Dalka ayaa waxaa ka bilowday wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, kaas ay ku dhaawaaqeyn Madaxda ugu sarreyso dalka, iyada oo Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS Cabduqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) uu sheegay in deegaannada uusan wali ka bilaaban dagaalka uu dhawaan ka bilaaban doona.
Mustaqbal
Mas’uuliyiin katirsan Dowladda Kenya ayaa laga soo xigtay in Xukuumadda Nairobi ay kordhinayso Ciidamada ammaanka…
Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…
Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…
Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…