Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud ayaa lagu wadaa inuu safaro ku maro dalalka Jabbuuti iyo Itoobiya.
Madaxweynaha ayaa safarkiisa ka billaabay dalka Jabbuuti, halkaasi oo uu maanta gaarey.
Sida ilo xog ogaal ah ay xaqiijiyeen Madaxweynaha ayaa la filayaa inuu la kulmo dhigiisa dalka Jabbuuti, Ismaaciil Cumar Geelle.
Labada Madaxweyne ayaa la filayaa in ay kulamadooda diirada ku saaraan iskaashiga dhinacyada amniga, siyaasadda iyo dhaqaalaha.
Sidoo kale Madaxweyne Xasan Shiikh ayaa la filayaa inuu u sii gudbo magaalada Adis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya, halkaasi oo uu kula kulmi doono Madaxda dalkaasi gaar ahaan Ra’iisul wasaare Aby Axmed.
Safarka Madaxweynaha ayaa ku soo aadaya xilli dhawaan uu booqasho ku tagey dalka Masar, halkaasi oo uu kula kulmay dhigiisa, Cabdilcasiis Alsiisi.
Jabbuuti, Itoobiya iyo Masar ayaa qeyb ka ah howlgalka AUSSOM, waxaana ay saameyn ku leeyihiin xiisadaha ka taagan Bariga Afrika.
Mustaqbal
Galbeedka Gobolka Tigray ee dhaca Waqooyi Itoobiya waxaa ka socda dagaal galay maalintii labaad oo…
Sida ay wariyeen Axios & AP, Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa dib uga laabtay dagaal…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta ku wajahan Magaalada Laascaanood ee…
Dowladaha Turkiga iyo Ciraaq ayaa kala saxiixday heshiis hal sano ah oo lagu horumarinayo Dhuumaha…
Xisbiga Awoodda Shacabka, oo ka mid ahaa tobankii xisbi iyo urur siyaasadeed ee aasaasay isbahaysiga…
Wararka ka imanaya dalka Itoobiya ayaa sheegaya in dagaal culus oo u dhaxeeya Ciidamada Federaalka…