Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud, ayaa ka jawaabay hadal dhawaan ka soo yeeray Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, kaas Soomaalida ku tilmaamay qashin.
Madaxweynaha ayaa sheegay in hadalkaasi yahay mid aan sal iyo raad toona lahayn, isla markaana gef ku ah sharafka iyo karaamada shacabka Soomaaliyeed.
“Ma nihin qashin. Waxaan nahay binu-aadam leh dhaqan, hido iyo taariikh fac weyn. Soomaalidu waa dad howlkar ah, caqli badan, kana qeyb qaatay horumarka dalal badan oo caalamka ah,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Madaxweynaha ayaa xusay in Soomaalidu, inkastoo ay la kulmeen caqabado ay ka mid yihiin colaado iyo duruufo dhaqaale, haddana ay muujiyeen adkeysi, karti iyo rabitaan ay ku dhisayaan mustaqbal wanaagsan
Hadalka Trump ee Soomaaliya ku ilmaamay “qashin” ayaa sababay caro ay muujiyeen shacabka Soomaaliyeed iyo qaar ka mid ah bulshada caalamka, kuwaas oo xusay inuu yahay mid cunsuriyad iyo xaqiraad ku saleysan.
Mustaqbal
War-saxaafadeed ka soo baxay Ciidamada Booliiska Dowlad Goboleedka Puntland ayaa lagu sheegay in ay la…
Madaxweynaha dalka Nigeria, Bola Tinubu, ayaa amar ku bixiyey in la kordhiyo mushaarka ciidanka milateriga…
Wararka naga soo gaaraya magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ayaa sheegaya in Ciidamada Amniga Puntland…
Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Bangladesh, Sheekh Xasiina, ayaa shaaca ka qaadday inay dalkeeda dib…
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cabdisalaam Cabdi Cali ayaa kulan gaar ah maanta la yeeshay Ra’iisul…
Dowladda Jabuuti ayaa sheegtay in ay diirada saareyso dagaalka ka dhanka ah As, iyadoo qeyb…