GUDAHA/wararka

Madaxweyne Xasan Shiikh iyo dhigiisa Jabbuuti oo xarrig jaraya Taalladda Nabadda

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud, iyo dhiggiisa Jabbuuti,Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa si rasmi ah u daahfuray Taallada Nabadda ee Jabuuti, taas oo loo dhisay xusuus ahaan 25 sano guuradii kasoo wareegtay shirkii dib-u-heshiisiinta Soomaaliyeed ee Carta.

Munaasabadda ayaa lagu qabtay magaalada Carta 40 KM u jirta Caasimadda Jabuuti, waxaana goob-joog ka ahaa madax ka kala socota dalalka Geeska Afrika, wakiillo ka tirsan Midowga Afrika, Qaramada Midoobay, iyo bulshada rayidka ah ee labada dal.

Labada Madaxweyne ayaa salaam sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan Ciidanka Jabbuuti oo ku sugnaa afaafka hore ee taallada Nabadda.

Waxaa la filayaa in ay jeediyaan khudbado ay uga hadlayaan xaaladda guud ee Soomaaliya iyo dadaalada nabadda.

Taariikhda Shirkii Carta

Shirkii Carta wuxuu qabsoomay bisha May ee sanadkii 2000 magaalada Carta ee dalka Jabuuti, ka dib burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya sannadkii 1991.

Shirkan ayaa ahaa isku daygii ugu weynaa ee dib-u-heshiisiin, waxaana kasoo qaybgalay boqolaal ergo ah oo ka kala socday beelaha, ururrada bulshada, iyo siyaasiyiinta Soomaaliyeed.

Shirkaas ayaa lagu dhisay Dowladdii Kumeelgaarka ahayd ee Soomaaliya oo uu hoggaaminayay Madaxweyne Cabdqaasim Salaad Xasan, taas oo calaamad u noqotay bilowgii geeddi-socodka dowlad-dhiska casriga ah ee Soomaaliya.

Mustaqbal

MM Staff

Recent Posts

Maamulka Puntland oo xaqiijiyay in ay la wareegeen Xeradii Ciidanka PSF ee Boosaaso

War-saxaafadeed ka soo baxay Ciidamada Booliiska Dowlad Goboleedka Puntland ayaa lagu sheegay in ay la…

26 mins ago

Madaxweynaha Nigeria oo Mushaarka u kordhiyay Askarta dalkaasi

Madaxweynaha dalka Nigeria, Bola Tinubu, ayaa amar ku bixiyey in la kordhiyo mushaarka ciidanka milateriga…

41 mins ago

Ciidamada PSF oo isaga baxay xeradii ay kaga sugnaayeen Boosaaso

Wararka naga soo gaaraya magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ayaa sheegaya in Ciidamada Amniga Puntland…

3 hours ago

Sheekh Xasiina oo ku dhawaaqday inay ku laabanayso Bangladesh inkastoo dil lagu xukumay

Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Bangladesh, Sheekh Xasiina, ayaa shaaca ka qaadday inay dalkeeda dib…

14 hours ago

Maxay ka wada hadleen Wasiirrada Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo Pakistan?

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cabdisalaam Cabdi Cali ayaa kulan gaar ah maanta la yeeshay Ra’iisul…

16 hours ago

Jabuuti oo sheegtay in ay ciidamadeeda sii joogi doonaan gudaha Soomaaliya

Dowladda Jabuuti ayaa sheegtay in ay diirada saareyso dagaalka ka dhanka ah As, iyadoo qeyb…

20 hours ago