Categories: Last News

Madaxweyne Xasan Sheekh oo saxiixay xeerka dhisidda Guddiga Madaxa Banaan ee Xuquuqul Insaanka!

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud xilkiisu sii dhammaanayo ayaa maanta munaasab kadhacday magaalada Muqdisho waxa uu ku saxiixay sharciga lagu dhisayo Guddiga Madaxa Banaan ee Xuquuqul Insaanka

Xasan Sheekh oo hadal kooban ka jeediyay munaasabadda saxiixa xilkiisu sii dhammaanayo ayaa sheegay in dhowrista xuquuqda aadanaha ay qeyb ka tahay dhismaha dowlad wanaagga iyo in nabad iyo caddaalada lagu wada noolaado.

“Saxiixa sharcigan waxaa uu si cad uga tarjumayaa muhimadda aan siineyno dhowrista xuquuqaha aasaasiga ah iyo xorriyadaha qof walba oo ku nool Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya ay tahay inuu helo”

Mar kale waxa uu yiri: “Guddigan Madaxa Banaan ee Xuquuqda Aadanaha waxaa uu noqonayaa xafiiska ugu sarreeya dalka ee u xilsaaran inuu sugo in xaqa muwaadiniinta sida ay tahay loo ilaaliyo, cid walbana lagula xisaabtamo iyadoo la tixraacayo dastuurka iyo shuruucda kale ee dalka u degsan’’

Xasan Sheekh waxa uu sidoo kale xusay in Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ay ballanqaadeyso inay iskaashi iyo wadashaqeyn buuxda u fidin doonto Guddigan Madaxa Bannaan ee Xuquuqda Insaanka.

Madaxweyne Xasan Sheekh  ayaa soo hadalqaaday arrimaha siyaasadda dalka, waxa uu dul istaagay  muhimadda hirgelinta  xisbiyada siyaasadeed iyo halista siyaasadaha qabiilka ku dhisan, Qoondada Dumarku ku leeyahay goleyaasha siyaasadeed ee la soo dhisayo doorashada 2016.

Mustaqbal

General Editor

Recent Posts

Dowladda Canada oo 10 sano ka dib war cusub ka soo saartay geerida Cabdiraxmaan Cabdi

Dowladda Canada ayaa war cusub ka soo saartay geerida Cabdiraxmaan Cabdi oo ahaa muwaadin Soomaali-Canadian…

56 mins ago

MW Suuriya oo shaaca ka qaaday in ay heshiis dhinaca Amniga ah la gaari doonaan Israa’iil.

Madaxweynaha Suuriya, Ahmed al-Sharaa, ayaa shaaca ka qaaday in ay heshiis dhinaca Amniga ah la…

6 hours ago

Baarlamaanka Waqooyi Bari oo ansixiyay qaraar ka dhan ah Maamulka Waqooyi Galbeed

Fadhi aan caadi ahayn oo ay maanta magaalada Laascaanood ku yeesheen Xildhibaanada Baarlamaanka Dowlad goboleedka…

9 hours ago

Masar oo markale garab istaag u muujisay midnimada & Xasiloonida Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, Dr Badr Abdelatty ayaa markale ku celiyay in Dowladdiisa ay garab…

13 hours ago

Xukuumadda Netanyahu oo waqti kordhin u samaysay xaaladda ka dhalatay cabsida ay ka qabaan Iiraan

Sida ay ku warrantay Warbaahinta ku hadasha Afka Maamulka Israa’iil, waxaa maalmo dheeraad ah lagu…

14 hours ago

Shirarka looga hadlayo Mustaqbalka AUSSOM oo ka kala socda Muqdisho, Addis Ababa & Kampala

Magaalooyinka Muqdisho, Addis Ababa iyo Kampala waxaa ka socda shirar looga hadlayo Mustaqbalka Howlgalka Midowga…

15 hours ago