GUDAHA/wararka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta furaya Kalfadhiga 7aad ee Baarlamaanka

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta furaya kalfadhiga 7aad ee Baarlamaanka 11aad, Madaxweynaha ayaa shalay dalka dib ugu soo laabtay si uu u furo kalfadhigaan oo dhowr jeer horay u baaqday.

Xildhibaannada Golaha Shacabka iyo Senatarrada Aqalka Sare ayaa lagu wargeliyay in ay soo xaadiraan furmashada kalfadhigooda maanta, waxaa laga codsaday in ay fadhiga xaadiraan mudaneyaasha oo aanay dhicin in xildhibaan ku sugan Muqdisho uu iska maqnaado.

Sida ku xusan qodobka 90aad ee Dastuurka Dalka, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa furaya Kalfadhiga isaga oo ka jeedinaya khudbad uu uga hadlayo waxqabadka Dowladda mudddadii uu Baarlamaanka fasaxa ku maqnaa iyo dardaaran guud uu siinayo.

Baarlamaanka 11aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo la dhaariyay bishii April sanadkii 2022kii waxaa muddo xileedkiisa sharciga ah ka dhiman in ka yar 8 bil, waxaana lagu wadaa in kalfadhigaan inta lagu jiro loo gudbiyo qodobo la xiriira doorashooyinka Dalka.

La soco wixii kasoo kordha

Mustaqbal

MM Staff

Recent Posts

Maxay tahay farriinta uu bulshada u diray RW ku xigeen Jibriil oo celiyay Baasaboorka Kenya?

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…

2 hours ago

Degmada Shangaani oo dib looga howlgelinayo Biyo Mareennadii ay lahayd

Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…

5 hours ago

Natiijada Doorashadii isku sidkanayd ee Galmudug oo maanta la shaacinayo

Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…

5 hours ago

RW Xamsa oo Laascaanood kula kulmay qaar kamid ah Bulshada Magaaladaas

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…

6 hours ago

Trump oo shaaciyay Dalal uu sheegay in ay ka codsadeen joojinta dagaalka ka dhanka ah Iiraan

Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa soo bandhigay Dalal uu ku sheegay in ay ka codsadeen…

6 hours ago

Guddoomiyaha KMG oo magacowday Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka

Ku simaha Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ahna Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha,…

21 hours ago