Wararka ka imaanaya Gobolka Hiiraan Dowlad-Goboleedka Hir-Shabeelle gaar ahaan Deegaanka Waab Wayn oo hoostaga Degmada Maxaas ayaa sheegaya in halkaas uu ka dhacay Dagaal u dhaxeeyay Ciidanka Macawiisleyda iyo AS.
Dagaalkaan ayaa yimid kaddib markii ciidamada Macawiisleyda ay weerar ku qaadeen xubno katirsan ‘AS’ oo isaga kala gudbayay deegaanno hoostaga Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan sida ay sheegeen saraakiisha howlgalkaan hoggaaminaysay.
Khasaara dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay dagaalkaas inkasta oo aan la baahin tiro sugan, Saraakiisha hoggaaminaysay ciidanka Deegaanka ee Macawiisleyda ayaa sheegay in ay ujeedkii howlgalkaan ay ka lahaayeen oo ah in ay beegsadaan xubnah ‘AS’ katirsan.
Gobolka Hiiraan waxaa ka socda dhaqdhaqaaq iska soo horjeeda oo ay wadaan Ciidamada Federaalka oo garab ka helaya kuwa deegaanka ee Macawiisleyda kuwaas oo dagaal kala soo horjeeda ‘AS’ oo gacanta ku haysta deegaanno katirsan Gobolkaas.
La soco wixii kasoo kordha
Mustaqbal
Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…
Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…
Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…
Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa soo bandhigay Dalal uu ku sheegay in ay ka codsadeen…