Ciidamo katirsan Militariga Burundi ee qaybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM ayaa howlgal amni xaqiijin ah ka sameeyay Waddada isku xirta Garoonka Diyaaradaha Jowhar iyo Magaaladaas xarunta u ah Dowlad-Goboleedka Hir-Shabeelle.
Taliyaha guud ee qaybta 5aad ee Saldhigga Diyaaradaha Jowhar Gaashaanle Sare Oscar Hatungimana ayaa hoggaaminayay howlgalkaan roondada ahaa oo ciidamadu ku mareen waddada isku xirta Garoonkaas ay ka degtaan Diyaaradaha iyo Magaaladaas.
Waxaa howlgalka loogu magac daray “Badqabka isu socodka dadka iyo badeecadaha Magaalada Jowhar” waxa ay ciidamadu ku baareen hareeraha waddada si ay usoo saaraan haddii Miino halkaas la geliyay sida wararku sheegayaan.
Ciidamada Burundi waxa ay la howlgalaan ciidamo katirsan Ciidanka Federaalka iyo kuwa Dowlad-Goboleedka Hir-Shabeelle, deegaanno katirsan Gobolka Shabeelaha Dhexe ayay ku sugan yihiin iyaga oo la howlgalla xiliyada qaar.
Mustaqbal
Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…
Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…
Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…
Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa soo bandhigay Dalal uu ku sheegay in ay ka codsadeen…