GUDAHA/wararka

Dhaqaale la’aan caqabad ku noqon karta Howlgalka AUSSOM oo soo shaac baxday

Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya loona soo gaabiyo AUSSOM ayaa loo raadinayaa dhaqaale lagu xoojiyo sidii socoshadiisa si looga hortago caqabadaha saamaynta taban ku reebi kara sida hadalka loo dhigay.

Kulan gaar ah oo ay kasoo muuqdeen Guddoomiyaha Midowga Afrika Maxamuud Cali Yuusuf, Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres iyo wakiillo kale ayaa lagu gorfeeyay xaaladdaan iyo sida degdega ah jawaabta loogu baahan yahay.

Shirkaan dhaqaale u raadinta AUSSOM ayaa lagu soo bandhigay xasiloonida Soomaaliya & dagaallada ay gaysanayaan ‘AS’ haddii aan laga hortagin sida uu howlgalkaan bilaa natiijo kusoo idlaan doonno waa haddii aan la helin kahortag.

Maxamuud Cali Yuusuf, Guddoomiyaha Midowga Afrika waxa uu sheegay in dhankooda ay fureen sandquuda Taakulada isla markaana ay bixiyeen lacag dhan $20 Milyan oo doollar balse loobaahan yahay dhaqaale intaas ka badan.

Qaramada Midoobay, Midowga Yurub & dhinacyada kale ee Qaaradda Afrika gacan siiya ayuu usoo jeediyay in si hoose u eegaan howlgalka AUSSOM oo muhiimad gaar ah u leh Soomaaliya iyo Dalalka kale ee Gobolka dhaca.

Howlgalka AUSSOM waxa uu taageerrada ugu xooggan uga yimaadaa Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, lacago aan badnayn waxaa ku dara Ururka Midowga Afrika oo xubno ay ka yihiin dalalka ciidamada ku deeqay, waxaana jiray sanadihii lasoo dhaafay culays dhaqaale.

Mustaqbal

MM Staff

Recent Posts

Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo soo saaray Shuruudaha iyo Jadwalka Doorashada

Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…

2 hours ago

Maxay tahay farriinta uu bulshada u diray RW ku xigeen Jibriil oo celiyay Baasaboorka Kenya?

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…

5 hours ago

Degmada Shangaani oo dib looga howlgelinayo Biyo Mareennadii ay lahayd

Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…

7 hours ago

Natiijada Doorashadii isku sidkanayd ee Galmudug oo maanta la shaacinayo

Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…

8 hours ago

RW Xamsa oo Laascaanood kula kulmay qaar kamid ah Bulshada Magaaladaas

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…

9 hours ago

Trump oo shaaciyay Dalal uu sheegay in ay ka codsadeen joojinta dagaalka ka dhanka ah Iiraan

Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa soo bandhigay Dalal uu ku sheegay in ay ka codsadeen…

9 hours ago