Madaxweynaha Maamulka Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare oo ka hadlayay Xaaladda Ammaan ee Deegaanada Maamulkiisa ayaa sheegay in dhibaatada ugu weyn ee heysata ay tahay amni darada.
Waxa uu sheegay in ay wadaan qorshe ay ku sugayaan ammaanka, Ciidamada Hir-Shabeelle ay wadaan abaabul Xooggan oo ay ugu diyaar garoobayaan Sugidda amniga.
Si gaar ah waxa uu usoo qaaday jidadka u xirmay Xaaladaha amni darro, isagoona xusay in Culeys ay ku hayaan, waxa uuna sheegay in aan kasii hordhaceen Howlgaladooda maadaama arrimo amni quseeya uu yahay.
Dhanka kale waxa uu soo hadal qaaday Mashaariic dhismo u badan oo laga bilaabayo Deegaanada Hir-Shabeelle.
Bishaan August waxa uu tilmaamay in la dhisi doono Xarunta Baarlamaanka Maamulka Hir-Shabeelle, qorshaha xiga uu yahay dhismaha Madaxtooyada Rasmiga ah iyo Jidadka.
Madaxweyne Waare ayaa taageero u raadinayo Dhismaha Xarumo muhiim u ah Maamulkiisa, si ay kaga qayb qaataan dib u dhiska Goobo muhiim u ah.
Ra’iisul Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu, ayaa markii ugu horeysay qiray in ay hoos u dhacday…
Maamulka Waqooyi Galbeed ee Soomaaliya ayaa maanta Garoonka Cigaal ee Hargeysa ka hor istaagay in…
Golaha Wasiirrada Xukumadda Federaalka Soomaaliya ayaa manta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa oo looga hadlay arrimaha…
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Warbixin ka dhageystay Saraakiisha Ciidamada Mareykanka ee…
Taliyaha Guud ee Ciidamada Difaaca Uganda, Jeneraal Muhoozi Kainerugaba, ayaa ku baaqay in Ciidamada Howlgalka…
Wakaaladda Deegaanka ee dalka Ingiriiska ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday abaar ka jirta qeybo…