GUDAHA/wararka

Madaxweyne Firdhiye oo daah-furay diiwaangelinta codbixiyaasha Maamulka Waqooyi bari

Madaxweynaha Maamulka Waqooyi bari Cabdulqaadir Axmed Aw Cali (Firdhiye) ayaa Magaalada Laascaanood ka daah-furay diiwaangelinta codbixiyaasha Maamulkaas, waxa uu ku baaqay in dadku is diiwaangeliyaan si ay u doortaan Dadka mudan in ay hoggaamiyaan.

Cabdulqaadir Firdhiye ayaa sheegay in guud ahaan Dadka Waqooyi bari looga baahan yahay in ay galaan abaabul ay isu diiwaangeliyaan si ay ula baratamaan Maamullada kale ee nidaamka Federaalka ku dhisan ee aqonsiga ka haysta Dowladda Federaalka Soomaaliya.

“Waa in dadkeennu ay doorashada galaan, is-abaabulaan si weyna isu diiwangeliyeen, waa in aynu la baratanaa maamulada dalka, waxaan kalsooni buuxda ku qabaa in reer Waqooyi Bari ay wacdaro ka dhigi doonaan doorashooyinka qaranka”. Ayuu yiri MW Maamulka Waqooyi bari Cabdulqaadir Axmed Aw Cali Firdhiye.

Xukuumadda laga sugayo ayuu sheegay in ay ku dhisnaan doonto talo wadaag iyo metalaad dadweyne, waxa uu Shacabka u ballanqaaday in uu ka faa’iideysan doonno adeegyada Maamulkiisa waajibka ku ah sida uu hadalka u dhigay.

Mustaqbal

MM Staff

Recent Posts

Kenya oo kordhinaysa Ciidamada ka jooga deegaannada xiga Soomaaliya

Mas’uuliyiin katirsan Dowladda Kenya ayaa laga soo xigtay in Xukuumadda Nairobi ay kordhinayso Ciidamada ammaanka…

12 hours ago

Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo soo saaray Shuruudaha iyo Jadwalka Doorashada

Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…

14 hours ago

Maxay tahay farriinta uu bulshada u diray RW ku xigeen Jibriil oo celiyay Baasaboorka Kenya?

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…

16 hours ago

Degmada Shangaani oo dib looga howlgelinayo Biyo Mareennadii ay lahayd

Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…

19 hours ago

Natiijada Doorashadii isku sidkanayd ee Galmudug oo maanta la shaacinayo

Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…

19 hours ago

RW Xamsa oo Laascaanood kula kulmay qaar kamid ah Bulshada Magaaladaas

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…

21 hours ago