GUDAHA/wararka

Wasiir Cali Xoosh “Waxa aan Shacabka dhammaan ugu baaqayaa in ay si buuxda uga qayb qaataan diiwaangelinta codbixiyaha”

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Xukuumadda Soomaaliya Cali Yuusuf Cali Xoosh ayaa Shacabka ugu baaqay in ay si buuxda uga qayb qaataan diiwaangelinta codbixiyaasha si ay u doortaan dadka metalaya.

Cali Xoosh ayaa sheegay in Dastuurka Kumeel-gaarka ah ee Dalka iyo kan lagu dhisay Maamulka Waqooyi bari si is waafaqsan ay u qeexayaan doorashada iyo xaqqa uu u leeyahay in uu muwaadinka ka qayb qaato si uu wax u doorto ama loo doorto.

Diiwaangelinta codbixiyaasha ayaa maanta ka billaabanayso Magaalada Laascaanood xarunta Dowlad-Goboleedka Waqooyi bari sida uu sheegay Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta Xukuumadda Soomaaliya Cali Xoosh.

“Caawo waa habeen taariikhi ah, xasuus gaar ahna yeelanaya. Muddo dheer kadib, waxaynu caawo magaaladda Laascaanood ka daahfureynaa diyaar garowga qabashadda doorashooyin toos oo ay ugu horreyso qabashadda shaqada ah diiwaan gelinta codbixiyayaasha, waa bilowga in taladda lagu celiyo shacabka Soomaaliyeed” Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS Cali Xoosh.

“Doorashadu waa xuquuq dastuuri ah oo ay farayaan Dastuurka Federaalka KMG ah ee Soomaaliya iyo Dastuurka Dowlad Goboleedka, Xuquuqdan dastuuriga ahi waa tiir muhiim u ah xaqiijinta caddaaladda siyaasadda, matalaadda shacabka iyo dhismaha dowladnimo hufan oo ay bulshada leedahay” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Wasiir Cali Yuusuf (Cali Xoosh).

“Waxaan ugu baaqayaa dhammaan shacabka in ay si buuxda uga qayb qaataan diiwaangelinta codbixiyaha, isla markaana ay muujiyaan masuuliyadda ka dhalata xaqa codkooda. Tani waa tallaabo lagu xaqiijinayo in talada iyo maamulka deegaanka ay gacanta ku hayaan dadka deegaanka” Ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib u heshiisiinta XFS Cali Yuusuf Cali Xoosh.

Mustaqbal

MM Staff

Recent Posts

Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo soo saaray Shuruudaha iyo Jadwalka Doorashada

Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…

10 hours ago

Maxay tahay farriinta uu bulshada u diray RW ku xigeen Jibriil oo celiyay Baasaboorka Kenya?

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…

13 hours ago

Degmada Shangaani oo dib looga howlgelinayo Biyo Mareennadii ay lahayd

Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…

15 hours ago

Natiijada Doorashadii isku sidkanayd ee Galmudug oo maanta la shaacinayo

Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…

16 hours ago

RW Xamsa oo Laascaanood kula kulmay qaar kamid ah Bulshada Magaaladaas

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…

17 hours ago

Trump oo shaaciyay Dalal uu sheegay in ay ka codsadeen joojinta dagaalka ka dhanka ah Iiraan

Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa soo bandhigay Dalal uu ku sheegay in ay ka codsadeen…

17 hours ago