Madaxweyne Farmaajo oo Qaabilay Wafdi uu Hoggaaminayo Wasiirka Gaashaandhigga Dowladda Turkiga

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo qaabilay wafdi ka socda Dowladda aan walaalaha nahay ee Turkiga oo uu hoggaaminayo Wasiirka Gaashaandhigga dalkaas Hulusi Akar ayaa adkeeyey muhiimadda xiriirka soojireenka ah ee ka dhexeeya labada dal.

Ujeedka safarka wafdigan ayaa ah sidii dowladda Turkigu u sii dardargelin lahayd taageerada ay u fidiso Soomaaliya iyo inay qiimeeyaan siyaabaha ay ku sii horumarin karaan taageerada Ciidamada Qalabka sida ee dhinacyada tabobarka iyo qalabaynta.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Dowladda Turkiga uga mahadceliyey kaalinta muhiimka ah ee ay ka qaadanayso dib-u-dhiska Ciidamada Qalabka sida, taasi oo asaas u ah in ciidanka Soomaaliyeed ay si buuxda u xaqiijiyaan ammaanka dalka.

Madaxweynaha iyo wafdiga ka socday Dowladda Turkiga ayaa ka wada hadlay dadaallada Dowladda Turkiga ee tabobaridda Ciidamada Qalabka sida iyo sidii loo dardargelin lahaa dhisidda iyo kobcinta qaybaha kala duwan ee Ciidamada Qaranka, gaar ahaan kuwa Dhulka, Cirka iyo Badda.

Wafdiga ayaa dhankooda uga mahadceliyey dowladda Soomaaliya soo dhawaynta diirran ee loo fidiyey, iyaga oo xusay sida ay Dowladda Turkiga uga go’an tahay joogtaynta xiriirka istaraatijiga ah ee kala dhexeeya Soomaaliya.

Wafdiga Dowladda Turkiga ee maanta soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa waxa qayb ka ah Wasiirka Gaashaandhigga Turkiga, Taliyaha Ciidamada Turkiga, Saraakiil sare oo ka tirsan qaybaha kala duwan ee Ciidamada Turkiga iyo Madaxa Hay’adda TIKA ee qaabbilsan arrimaha Horumarinta iyo Iskaashiga.

Mustaqbal media

Recent Posts

Sheekh Xasiina oo ku dhawaaqday inay ku laabanayso Bangladesh inkastoo dil lagu xukumay

Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Bangladesh, Sheekh Xasiina, ayaa shaaca ka qaadday inay dalkeeda dib…

11 hours ago

Maxay ka wada hadleen Wasiirrada Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo Pakistan?

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cabdisalaam Cabdi Cali ayaa kulan gaar ah maanta la yeeshay Ra’iisul…

13 hours ago

Jabuuti oo sheegtay in ay ciidamadeeda sii joogi doonaan gudaha Soomaaliya

Dowladda Jabuuti ayaa sheegtay in ay diirada saareyso dagaalka ka dhanka ah As, iyadoo qeyb…

16 hours ago

Maamulka Jubbaland oo cambaareeyay colaadaha sokeeye ee Puntland kasoo ifbaxday

Maamulka Jubbaland ayaa war kasoo saaray dagaalkii saakay ka dhacay Bariga Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka…

17 hours ago

DFS oo sheegtay in ay Warshado waa weyn ka hirgelinayso Degmada Balcad

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in Warshado waa weyn oo kaalin muhiim ah ka qaata…

18 hours ago

Soomaaliya oo Itoobiya uga tacsiyaysay Dadkii ku dhintay Roobka ka da’ay Gobolka Amxaarada

War kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa dowladda…

18 hours ago