GUDAHA/wararka

Madaxweyne Farmaajo oo ka hadlay weerarkii Al Shabaab ku qaaday hotelka Afrik ee magaaladda Muqdisho!

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi u diray qoysaska iyo ehelada muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku naf waayey weerarkii Al Shabaab galabnimadii Axada ku qaadeen hotelka Afrik ee magaaladda Muqdisho

Madaxweynaha ayaa si gaar ah uga tacsiyeeyey geerida, AUN, Janaraal Maxamed Nuur Galaal oo ka mid ahaa Saraakiishii Ciidanka Xoogga Dalka, waxa uuna sheegay in uu doorkii wanaagsanaa ka soo qaatay dhismaha iyo tayeynta Ciidamada Qalabka Sida oo uu ka soo qabtay xilal kala duwan.

“Innaa Lillaahi wa innaa Ilayhi raajicuun. Waxaan Alle u weydiinayaa naxariistiisa Janno dhammaan muwaadiniintii Soomaaliyeed ee ku naf waayey weerarkan bahalnimada ah ee argagixisada Alshabaab ay ka fuliyeen Hotelka Afrika, waxaan si gaar ah ummadda Soomaaliyeed uga tacsiyeynayaa geerida Janaraal Maxamed Nuur Galaal oo ka mid ahaa ruug-cadaaga Ciidanka Soomaaliyeed, door wanaagsanna ka soo qaatay tayeynta iyo dhismaha Ciidanka Qalabka Sida.”

Ra’iisul wasaaraha Xukumadda Faderaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa dhankiisa ka tacsiyeeyay weerarkii lagu qaaday hotelka Afrik ee magaaladda Muqdisho.

“INNAA LILLAAHI WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN Waxaan eheladoodii iyo guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyeynayaa  dadkii Soomaaliyeed ee ku geeriyooday weerarkii argagixisadu ku qaadeen hoteelka Afrik ee magaalada Muqdisho oo uu ka mid ahaa General Maxamed Nuur Galaal oo dalka iyo dadka muddo dheer u soo adeegay.Shacabka Soomaaliyeed waxa ay General Galaal ku xusuusan doonaan kaalintii uu ka soo qaatay difaaca dalka muddadii 50-ka sano ka badneyd ee uu ka mid ahaa saraakiishii udub dhexaadka u ahaa CXD. Waxaan cambaareynayaa falkaas bahalnimada ah. Waxaan Eebbe uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo intii dhimatay, inta dhaawaca ahna uu dhaqso u bogsiiyo.Waa in aan u midownaa dhammaanteen la dagaallanka arxanlaaweyaasha maalin kasta naga laynaya haldoorka ee noo diiddan nabadda iyo horumarka” ayuu yiri Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Ciidanka amaanka Soomaaliya ayaa soo afjaray weerarka oo saacado badan waxaana ku dhintay ugu yaraan 10 ruux sida afhayeenka Booliska Soomaaliya u sheegay warbaahinta.

MM Staff

Recent Posts

Ugu yaraan 7 ruux oo ku geeriyooday Duqeymo ka dhacay gobolka Nugaal

Wararka naga soo gaaraya Xeebaha Gobolka Nugaal ayaa sheegaya in halkaasi ay ka dhacday duqeyn…

13 hours ago

Dowladda UK oo sheegtay in ay Soomaaliya ka taageerayso ka hortaga weerarada AS

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta kulan gaar ah la yeeshay Safiirka Boqortooyada…

16 hours ago

DFS oo kordhisay ciidamada suga amniga Magaalada Muqdisho

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa kordhisay ciidamada sugaya Amniga Magaalada Muqdisho, kaddib markii todobaadkii tagay qaybo…

20 hours ago

Cumaan iyo Masar oo dib u billaabaya wadahadallada Maraykanka & Iiraan

Dalalka Cumaan iyo Masar ayaa xoogga saaraya sidii ay dib ugu billaabi lahaayeen wadahadallada joogsaday…

21 hours ago

Maraykanka oo xayiraadda Fiisaha ka qaaday Soomaaliya

Dowladda Maraykanka ayaa xayiraadda Fiisaha ka qaadday Baasaboorka Soomaaliya kaddib markii go’aankaas uu ku dhawaaqday…

23 hours ago

Dagaalka Ganacsi ee Maraykanka & Canada oo meel adag gaaray

Dagaalka Ganacsi ee kasoo dhex baxay Maraykanka iyo Canada ayaa sii xooggaystay kaddib markii Washington…

23 hours ago