WARARKA-GUDAHA/DIBADDA

Madaxweynaha Uganda oo la dabaaldagay wiil uu awoow u yahay oo ku biiray ciidanka dalkaas

Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni, ayaa hambalyo u diray wiilka uu awoowaha u yahay, Ruhamya Kainerugaba oo ka qalin-jabiyay Akadeemiyadda Militariga Boqortooyada Ingiriiska ee Sandhurst.

Ruhamya, oo ah wiilka ugu weyn ee Taliyaha Ciidamada Difaaca Uganda, Gen. Muhoozi Kainerugaba, ayaa tababarka sarkaalnimada ku soo qaatay Sandhurst, waxaana uu qalin-jabiyay horraantii bishan isaga oo ay weheliyaan askari kale oo Ugandheys ah.

Madaxweyne Museveni oo ka hadlay munaasabadda ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay in Ruhamya uu ku biiray ciidamada Uganda, isaga oo sidoo kale hambalyo u diray askarta kale.

Wiilka uu Museveni Awoowaha u yahay ayaa soo bartay xirfado kala duwan sida tababarrada dagaalka, xirfadaha milatari iyo qiimeynta hoggaaminta.

Ruhamya wuxuu hadda ku biirayaa Ciidamada Difaaca Uganda, isagoo sii raacaya waddadii aabbihii Gen. Muhoozi Kainerugaba, kaas oo isna hore uga qalin-jabiyay Sandhurst.

Mustaqbal

 

 

MM Staff

Recent Posts

Ra’iisul wasaarihii hore ee Pakistan, Imran Khan oo Isbitaal la dhigayo

Maxkamadda Sare ee dalka Pakistan ayaa maanta soo saartay amar la xiriira in raysal wasaarihii…

5 hours ago

MW Xasan Sheekh oo soo gaba gabeeyay Safar dhulka ah oo uu ku maray Degmooyinka Galmudug

Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u soo safray magaalada Muqdisho, ka dib safar…

5 hours ago

Afar dal oo Safiiro cusub u soo magacaabay Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Cabdisalaam Cali ayaa maanta…

5 hours ago

Wasiir Fiqi oo kormeeray Saldhiga Ciidamada Danab ee magaalada Gaalkacyo

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Axmed Macallin Fiqi ayaa sheegay in dowladda ku dadaaleyso sidii ay isugu…

8 hours ago

Ciidanka AUSSOM oo howlgal Miino baaris ah ka sameeyay Baladweyne

Ciidanka Midowga Afrika ee AUSSOM ayaa howlgal miino baaris ah ka sameeyay waddada isku xirta…

10 hours ago

Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya oo dalbaday in loo sameeyo adeeg Caafimaad

Xildhibaanno katirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa codsaday in loo sameeyo adeeg caafimaad iyo daryeelka ay…

10 hours ago