GUDAHA/wararka

Trump oo lumiyay taageerrada Dadka Maraykanka 33%

Codbixin dadweyne oo la sameeyay waxaa lagu qiimeeyay taageerrada Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump uu ku dhex leeyahay Dadkiisa iyada oo dhinacyo kala duwan gaar ahaan siyaasadda laga eegayay.

Qiimayntaas waxaa kasoo baxday in 33% dadkii codbixintaas dhiibtay ay kala laabteen kalsoonidii ay ku qabeen, waxa ay ku doodeen in aysan ku qanacsaneen sida uu xiligaan u maamulayo Maraykanka iyo siyaasadda kale ee bannaanka ah.

Wakaaladda Wararka Reuters oo samaysay daraasad tan lamid ah Bishii August waxa uu haystay 35% balse hadda waxa uu sii lumiyay 2% iyada oo tani muujinayso sida dadku uga falceliyeen siyaasadda Madaxweyne Donald Trump.

Waxaa farrintaan loo arkaa in ay cadaadis ku saari karto Madaxweyne Trump sidii uu ku joojin lahaa dagaalka ka dhanka ah Iiraan oo aanay wax faa’iido ah ugu sugneen maadaama khasaara xooggan uu kasoo gaaray dagaalkaas.

Dhowaan Madaxweyne Donald Trump ayaa si cad u sheegay in awoodda Xisbigiisa ay hoos usii dhacday isaga oo xusay in uu ka walaacsan yahay in uu xisbigaas muddo waayo hoggaaminta Maraykanka inkasta oo uusan raacin sababta arrintaas dhalisay.

Mustaqbal

MM Staff

Recent Posts

Ra’iisul wasaarihii hore ee Pakistan, Imran Khan oo Isbitaal la dhigayo

Maxkamadda Sare ee dalka Pakistan ayaa maanta soo saartay amar la xiriira in raysal wasaarihii…

3 hours ago

MW Xasan Sheekh oo soo gaba gabeeyay Safar dhulka ah oo uu ku maray Degmooyinka Galmudug

Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u soo safray magaalada Muqdisho, ka dib safar…

3 hours ago

Afar dal oo Safiiro cusub u soo magacaabay Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Cabdisalaam Cali ayaa maanta…

3 hours ago

Wasiir Fiqi oo kormeeray Saldhiga Ciidamada Danab ee magaalada Gaalkacyo

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Axmed Macallin Fiqi ayaa sheegay in dowladda ku dadaaleyso sidii ay isugu…

6 hours ago

Ciidanka AUSSOM oo howlgal Miino baaris ah ka sameeyay Baladweyne

Ciidanka Midowga Afrika ee AUSSOM ayaa howlgal miino baaris ah ka sameeyay waddada isku xirta…

8 hours ago

Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya oo dalbaday in loo sameeyo adeeg Caafimaad

Xildhibaanno katirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa codsaday in loo sameeyo adeeg caafimaad iyo daryeelka ay…

8 hours ago