Madaxweynaha Maamulka Puntland Siciid Deni iyo Safiirka Jarmalka ee Soomaaliya Annett Günther
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta Magaalada Garoowe kula kulmay Safiirka Jarmalka ee Soomaaliya Annett Günther.
Kulankaan kahor Madaxweyne Deni ayaa saakay safar dhulka ah ugu ambabaxay Magaalada oo uu kusoo gaba-gabeeyay socdaal uu ku marayay Gobolka Bari.
Madaxweyne Deni waxaa kulanka ku wehliyay Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga Ah Cabdiqafaar Cilmi Xaange, Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Fadaraalka iyo Dimuquraadiyaynta Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dr. Jaamac Faarax Xasan, Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud Gaadiidka iyo Guriyeynta Axmed Bashiir Muuse iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Puntland Maxamed Cabdiladiif Yuusuf.
Soo dhaweyn kadib Wafdiga ay hogaamineysay Haweeneyda Danjiraha Jarmalka ee Soomaaliya ah Annett Günther waxa ay kawada hadleen Kaalinta Xukuumadda Berlin ee Soomaaliya, gaar ahaan Maamulka Puntland.
“Waxaan uga mahadcelinaynaa waxyaabihii hore ee ay soo qabteen dalka Jarmalka oo Soomaaliya taariikh weyn ku leh, mudooyinkii ay Soomaaliya xuriyadda qaadatay ilaa hada dhinacyo badan ay iska soo garab istaageen hadana ay rabaan in ay waxbadan qabtaan” Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.
Ambassador Annett Günther ayaa dhankeeda sheegtay in ay ku faraxsan tahay safarkeeda Deegaanada Puntland iyo kulanka ay la qaadatay Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni.
Waxa ay intaa ku dartay in Dowladda Jarmalka ay ka fulineyso Deegaanada Puntland, waxa ay xustay ay ka qayb qaadanayaan horumarka dalka, gaar ahaan Puntland.
Wafdiga Danjiraha Jarmalka ee Soomaaliya waxaa wehliyay xubno ka socday Hay’adda GIZ ee gacanta ku haysa wadada Garoowe iyo Gaalkacyo oo la filaayo in xili dhaw ay dib u bilaabaan dhismaha wadadaasi.
Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…
Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…
Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…
Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa soo bandhigay Dalal uu ku sheegay in ay ka codsadeen…