DIBADDA/Wararka

Madaxweynaha Mexico oo diiday in dalkeeda tagaan Ciidamada Mareykanka

Madaxweynaha dalka Mexico, Claudia Sheinbaum, ayaa si cad u sheegtay inay diiday dalab uga yimid Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, oo doonayay in ciidamada Mareykanka loo oggolaado inay ka howlgalaan gudaha Mexico si ay uga qeyb qaataan la-dagaalanka dambiyada abaabulan, gaar ahaan kuwa la xiriira maandooriyaha.

Sheinbaum oo ka hadleysay munaasabad dadweyne, ayaa sheegtay in Trump uu la soo xiriiray si uu u weydiiyo sida uu uga caawin karo dagaalka ka dhanka ah kartellada daroogada, balse uu ku soo jeediyay in la keeno ciidamo Mareykan ah gudaha dalka.

Madaxweynaha ayaa sheegtay inay si cad ugu sheegtay Trump in aysan waligeed oggolaan doonin arrintaas.

Waxay tiri: Waxaan u sheegay: Maya, Madaxweyne Trump, dhulkayagu waa lama taabtaan, madaxbannaanideennu waa lama taabtaan, suuq uma aha madax-bannaanideennu.”

Hadalka Sheinbaum ayaa yimid maalin kadib markii wargeyska Wall Street Journal uu daabacay war sheegaya in Trump uu cadaadis ku saarayay dowladda Mexico si loo kordhiyo faragelinta ciidamada Mareykanka ee gudaha dalkaas, gaar ahaan la dagaalanka kooxaha maandooriyaha ka ganacsada.

Mustaqbal

 

 

MM News

Recent Posts

RW Xamsa Cabdi Barre oo gaaray Laascaanood

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi u badan Wasiiro katirsan Xukuumaddiisa…

40 mins ago

Ciidamada DFS & ‘AS’ oo ku dagaalamaya Gobolka Hiiraan

Wararka ka imaanaya Gobolka Hiiraan gaar ahaan inta u dhaxaysa Maxaas iyo Teedaan ayaa kusoo…

2 hours ago

Dagaalka u dhaxeeya Ciidanka Federaalka Itoobiya & kuwa TPLF oo sii xooggaystay

Galbeedka Gobolka Tigray ee dhaca Waqooyi Itoobiya waxaa ka socda dagaal galay maalintii labaad oo…

4 hours ago

Maxaa baddelay go’aankii Trump uu ku shaaciyay in uu duullaan ku qaadayo Iiraan?

Sida ay wariyeen Axios & AP, Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa dib uga laabtay dagaal…

5 hours ago

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo maanta ku wajahan Magaalada Magaalada Laascaanood

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta ku wajahan Magaalada Laascaanood ee…

5 hours ago

Turkiga iyo Ciraaq oo kala saxiixday heshiis cusub oo ku saabsan Dhuumaha Saliidda

Dowladaha Turkiga iyo Ciraaq ayaa kala saxiixday heshiis hal sano ah oo lagu horumarinayo Dhuumaha…

16 hours ago