Ciidamada milateriga Suudaan ayaa sheegay in ciidamada RSF ay weerar ku qaadeen saldhig ciidan iyo xarumo kale oo ku yaalla nawaaxiga garoonka diyaaradaha magaalada Port Sudan.
War kasoo baxay milateriga ayaa lagu sheegay in weerarka lagu bartilmaameedsaday saldhigga ciidanka cirka, bakhaar lagu kaydiyo alaabaha, iyo xarumo rayid ah.
Tani waa markii ugu horreysay ee magaalada ku taalla bariga Suudaan ay la kulanto weerar toos ah oo kaga yimaada RSF tan iyo markii uu dagaalku billowday.
Ugu yaraan shan diyaaradood oo nooca aan duuliyaha lahayn ay weerarka fuliyeen, iyaga oo si gaar ah u beegsaday qeybta milateri ee garoonka Port Sudan.
Illaa hadda lama soo sheegin khasaare nafeed oo soo gaaray dadka rayidka ah. Sidoo kale ma cadda in RSF ay si gaar ah u beegsaneysay diyaaraddii dagaalka ee lagu soo bandhigay bandhig ciidan.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi u badan Wasiiro katirsan Xukuumaddiisa…
Wararka ka imaanaya Gobolka Hiiraan gaar ahaan inta u dhaxaysa Maxaas iyo Teedaan ayaa kusoo…
Galbeedka Gobolka Tigray ee dhaca Waqooyi Itoobiya waxaa ka socda dagaal galay maalintii labaad oo…
Sida ay wariyeen Axios & AP, Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa dib uga laabtay dagaal…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta ku wajahan Magaalada Laascaanood ee…
Dowladaha Turkiga iyo Ciraaq ayaa kala saxiixday heshiis hal sano ah oo lagu horumarinayo Dhuumaha…