Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa Danjire cusub usoo magacaabay Soomaaliya waxaana xilkaas waana Devin Kennington, waxa uu xilkaan bannaanaa tan iyo December 2025 xiligaas oo xilka ka tagay Safiirkii hore ee Dalkaas Richard H. Riley.
Magacaabistaan ayaa mari doonta ansixinta Aqalka Senate-ka Maraykanka sida uu dhigayo Sharciga Dalkaas, marka uu helo codka kalsoonida ayuu u soo safri doonnaa Soomaaliya si uu warqadaha danjirenimo ugu wareejiyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Devin Kennington waxa uu horay uga soo shaqeeyay Safaaradda Maraykanka ee Jamhuuriyadda Jabuuti & Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo, waa shaqsi aqoon u leh howlaha diblumaasiyadda gaar ahaan geeska Afrika.
Muddo ayuu ka tirsanaa Wasaaradda Arrimaha Dibadda Maraykanka oo inta badan laga soo dhex xulo Safiirrada iyo diblumaasiyiinta Dalkaas ee loo dirsanayo Dalalka kala duwan sida horay u dhacday dhowr jeer oo hore.
Maamulka Madaxweyne Donald Trump ayaa dhowaan shaaciyay in uu garab taagan yahay Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana uu meel fog ka istaagay qorshaha Israa’iil ay ku kala qaybin rabtay Dalka iyada oo sheegtay in ay aqoonsatay qayb kamid ah Dalka.
Mustaqbal
Boqortooyada Sacuudi Carabiya oo faahfaahin ka bixisay howlgal lagu soo riday Diyaarad nooca duulliye la'aanta…
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in Dowladda Waxbarasho bilaash ay siin doonto…
Taliska howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM gaar ahaan qaybta 3aad ee Maamulka Koofur Galbeed ka…
Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ayaa dhagaysatay eedaha loo haysto Rag ku eedeysan in ay dhac…
Dowladda Suuriya ayaa billowday in ay Tababarto Haweenka kamid noqonaya Ciidamada Ammaanka ee Dalkaas gaar…
Dalka Giriigga waxaa ka socda howlgallo lagu raadinayo in ka badan 20 Tahriibe oo la…