GUDAHA/wararka

Xeebaha Giriigga oo laga baadigoobayo Tahriibayaal la socday Doon rogmatay

Dalka Giriigga waxaa ka socda howlgallo lagu raadinayo in ka badan 20 Tahriibe oo la socday doon Degtay, waxaana la xaqiijiyay in uu dhintay hal qof halka lasoo badbaadiyay 55 qof sida ay ku warrameen saraakiil katirsan kooxaha gurmadka iyo ciidanka ilaaladaha xeebaha dalkaas.

Doonta dadkaan la degtay ayaa kasoo baxday Bariga Dalka Liibiya iyada oo kusii jeedday Jasiiradda Crete balse iyaga oo aanay gaarin halkii bartilmaameedka u ahaa ayay doonta rogmatay sida lagu sheegay xogaha la baahiyay.

Si dhab ah looma shaacin dalalka ay dadkaas u dhasheen, Dowladda Girigga ayaa ku howlan raadinta Dadka la waayay oo marka arrintooda dhinac ay u dhacdo kaddib shaacin doonta waddamada ay dadkaas u dhasheen.

Halista badda Mediterranean ayaa korortay, waxaa loo sababeeyay dabaylaha xooggan ee jira iyada oo doomaha ay dadku u raacaan si xad dhaaf ah oo marka uu miisaanka ama culaysku uu dhinac u bato rogmato sida hadalka loo dhigay.

Mustaqbal

MM Staff

Recent Posts

Sacuudiga oo sheegay in uu soo riday Diyaarad lagu beegsan rabay Magaalada Maka

Boqortooyada Sacuudi Carabiya oo faahfaahin ka bixisay howlgal lagu soo riday Diyaarad nooca duulliye la'aanta…

2 hours ago

RW Xamse oo waxbarasho bilaash ah u ballanqaaday Arday kaalmaha hore ka galay tartan caalami ah

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya,  Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in Dowladda Waxbarasho bilaash ay siin doonto…

16 hours ago

Taliska AUSSOM ee Baydhabo oo sheegay in uu caqabad kala kulmo xeerarka hubinta Amniga

Taliska howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM gaar ahaan qaybta 3aad ee Maamulka Koofur Galbeed ka…

20 hours ago

Maxkamadda CQS oo la horgeeyay Rag ku eedeysay in ay dhac safmar ah ay ka gaysteen Muqdisho

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ayaa dhagaysatay eedaha loo haysto Rag ku eedeysan in ay dhac…

22 hours ago

Dowladda Suuriya oo billowday in ay tababarto Haweenka ku biiraya Ciidamada Ammaanka

Dowladda Suuriya ayaa billowday in ay Tababarto Haweenka kamid noqonaya Ciidamada Ammaanka ee Dalkaas gaar…

23 hours ago

Madaxweynaha Maraykanka oo Danjire cusub u soo magacaabay Soomaaliya

Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa Danjire cusub usoo magacaabay Soomaaliya waxaana xilkaas waana Devin Kennington,…

24 hours ago