Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ayaa dhagaysatay eedaha loo haysto Rag ku eedeysan in ay dhac ka gaysteen Degmooyin katirsan Gobolka Banaadir gaar ahaan Dharkaynley, Garasbaaley, Dayniile, Daarusalaam, Xamar jajab, Deegaanka Gubta iyo degmooyin kale.
Raggaan oo ka koobnaa 13 qof ayaa maalmo kala duwan dhac u gaystay dad u badan Dhallinyaro Arday ah kuwaas oo ay ka kala qaateen Teleefanno, Saacado, Dhegaha teleefannada loogu talagalay iyo lacag Doollar ah.
Kooxdaan ayaa intii ay ku howlanayd dhaca Dadka rayidka ah waxa ay baaratay dad gaaraya 33 qof oo isugu jiray Rag iyo Dumar kuwaas oo intooda badan ah Arday wax ka dhigata Dugsiyada iyo Jaamacadaha ku yaalla Magaalada Muqdisho.
Maxkamadda waxaa laga hor caddeeyay in mid kamid ah Ragga dhaca gaystay uu ku dhintay howlgalkii lagu soo qabtay kaddib markii ay israasaseeyeen ciidamada ammaanka ee soo gacanta kusoo dhigay sida hadalka loo dhigay.
Sidoo kale waxa ay dhaawac u gaysteen mid kamid ah Dadkii ay dhacayeen waxaana dood kulal kiiskooda ka yeeshay Xafiiska Xeer Ilaalinta iyo Qareennada Difaacaya Raggaas halka isla fadhiga lagu dhagaystay dadkii sheegay in la dhacay.
Waxa ay adeegsadeen hub isugu jira Bastoolado iyo AK47, iyaga oo inta badan howsha dhaca ah ku gaystay Mooto nooca labada lug leh ee Fekon sida laga hor caddeeyay fadhiga Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ay ka yeelatay kiiskaan.
Qaar kamid ah Dadkii la dhacay ayay Maxkamaddu dib ugu celisay teleefannadii lagu qabtay Kooxda lasoo qabtay, waxaana la sugayaa go’aanka maxkamadda Ciidamada qalabka sida ay kasoo saari doonto dhagaysiga dacwaddaan.
Mustaqbal
Boqortooyada Sacuudi Carabiya oo faahfaahin ka bixisay howlgal lagu soo riday Diyaarad nooca duulliye la'aanta…
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in Dowladda Waxbarasho bilaash ay siin doonto…
Taliska howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM gaar ahaan qaybta 3aad ee Maamulka Koofur Galbeed ka…
Dowladda Suuriya ayaa billowday in ay Tababarto Haweenka kamid noqonaya Ciidamada Ammaanka ee Dalkaas gaar…
Dalka Giriigga waxaa ka socda howlgallo lagu raadinayo in ka badan 20 Tahriibe oo la…
Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa Danjire cusub usoo magacaabay Soomaaliya waxaana xilkaas waana Devin Kennington,…