Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in Dowladda Waxbarasho bilaash ay siin doonto saddexda ardey ee kaalimaha hore ka galay Tartanka Qur’aanka Kariimka, oo dhawaan lagu qabtay Dalka Qatar.
Tartanka oo ay ka qeyb galeen 398 arday oo ka kala yimid 20 Dal ayaa waxaa kaalinta 1aad ka galay Qaari Cabdiqani Cabdulqaadir Sheekh Xuseen, Qaari Cabdiraxmaan Qaasim Maxamed ayaa isna galay kaalinta 2aad halka Qaari Cabdiraxmaan Axmed Maxamuud uu galay kaalinta 3aad, waxaana ka qeybgalkooda fududeysay Hay’adda Qatar Charity.
Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa ku bogaadiyey dhallinyarada dadaalkooda iyo sida ay Qur’aanka u xafideen, isagoo kula dardaarmay in dadka ay baraan Qur’aanka.
“Waan idinku faaneynaa haddii aan nahay Madaxda Dowladda, in Tartan dowli ah aad ka gasheen kaalimaha 1aad, 2aad iyo 3aad waa arrin wanaagsan oo sharaf iyo Karaamo u ah Bulshada Soomaaliyeed, Wasaaradda Waxbarashada waxaan fari doonaa in Waxbarasho bilaash ah ay idin siiso” ayuu yiri Ra’iisul wasaare Xamse.
Mustaqbal
Boqortooyada Sacuudi Carabiya oo faahfaahin ka bixisay howlgal lagu soo riday Diyaarad nooca duulliye la'aanta…
Taliska howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM gaar ahaan qaybta 3aad ee Maamulka Koofur Galbeed ka…
Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ayaa dhagaysatay eedaha loo haysto Rag ku eedeysan in ay dhac…
Dowladda Suuriya ayaa billowday in ay Tababarto Haweenka kamid noqonaya Ciidamada Ammaanka ee Dalkaas gaar…
Dalka Giriigga waxaa ka socda howlgallo lagu raadinayo in ka badan 20 Tahriibe oo la…
Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa Danjire cusub usoo magacaabay Soomaaliya waxaana xilkaas waana Devin Kennington,…