GUDAHA/wararka

Wararkii u dambeeyay dagaalka Yemen

Saacadihii la soo dhaafay dagaallo ayaa ka socday dalka Yemen, kuwaasi oo saameynaya xaaladda dhaqaale iyo siyaasadeed ee Soomaaliya.

Labada dhinac ayaa hadda isku haya Gobolka Maarib oo ah goobta kaliya ee ay Waqooyiga dalkaasi ka maamulaan Ciidamada Dowladda Sharciga ee Dalkaasi.

Gobolka Maarib ayaa ah goob muhiimad gaar ah u leh labada dhinac waana halka laga soo saaro Shidaalka iyo Gaaska Dalka Yemen.

Haddii Kooxda Xuutiyiinta ay qabsadaan gobolkan waxaa ay ka dhigantahay in ay daciiftay Awoodda Dowladda Sharciga ah ee Dalka Yemen.

Sidoo kale, Xuutiyiinta oo ay taageerto Iiraan ayaa diirada saaraya in ay qabsadaan deegaannada ku yaalla Xeebaha Badda Cas, si ay u gaaraan Marinka Baab Almandab.

Dowladda Sharciga ah ee Yemen ayaa waxaa taageeraya Boqortooyada Sacuudiga Carabiya oo siineysa taageeri amni iyo duqeynta Xuutiyiinta.

Dalka Yemen ayaa ku jira xaalad kala qeybsanaan iyo dagaal, iyadoo Dowladaha Caalamka oo ay ku jirto Soomaaliya ay ku baaqeen in wada hadal lagu dhammeeyo Khilaafka dhinacada.

Dagaallada Yemen waxaa ay soo socdeen tan iyo 2014, markaasi oo xukunka laga tuuray Madaxweynihii wadankaasi, Cabdiraba Mansuur Al-hadi, ka dib markii ay Caasimadda Dalkaasi Sanca qabsadeen Xuutiyiinta.

Mustaqbal

MM Staff

Recent Posts

Maraykanka oo sheegay in uu lacag abaalmarin ah ku bixinayo xogta Haweeney Soomaali ah

Maraykanka ayaa sheegay in uu abaalmarin lacageed oo dhan $5 Milyan oo doollar uu siinayo…

8 mins ago

Sacuudiga oo sheegay in uu soo riday Diyaarad lagu beegsan rabay Magaalada Maka

Boqortooyada Sacuudi Carabiya oo faahfaahin ka bixisay howlgal lagu soo riday Diyaarad nooca duulliye la'aanta…

3 hours ago

RW Xamse oo waxbarasho bilaash ah u ballanqaaday Arday kaalmaha hore ka galay tartan caalami ah

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya,  Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in Dowladda Waxbarasho bilaash ay siin doonto…

17 hours ago

Taliska AUSSOM ee Baydhabo oo sheegay in uu caqabad kala kulmo xeerarka hubinta Amniga

Taliska howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM gaar ahaan qaybta 3aad ee Maamulka Koofur Galbeed ka…

21 hours ago

Maxkamadda CQS oo la horgeeyay Rag ku eedeysay in ay dhac safmar ah ay ka gaysteen Muqdisho

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ayaa dhagaysatay eedaha loo haysto Rag ku eedeysan in ay dhac…

24 hours ago

Dowladda Suuriya oo billowday in ay tababarto Haweenka ku biiraya Ciidamada Ammaanka

Dowladda Suuriya ayaa billowday in ay Tababarto Haweenka kamid noqonaya Ciidamada Ammaanka ee Dalkaas gaar…

1 day ago