Madaxweynaha Jubaland oo ka hadlay weerarkii Shabaab ee xarunta Degmada Hodan.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa cambaareeyay Weerarka Shabaab  maanta ka gaysteen Xarunta Degmada Hodan ee Magaalada Muqdisho.

Madaxweynahu wuxuu Allaah uga baryay dadkii goobtaas ku dhintay in uu Naxariistii jano ka waraabiyo kuwa dhaawaca ahna ay Caafimaad deg deg ah xaga rabi ka helaan.

Madaxweynahu wuxuu sheegay in Shabaab ay leedahay hal hadaf oo ah in ay dilaan qof walba oo aan iyaga kamid ahayn wuxuu sheegay in Shacabka Soomaaliyeed looga baahan yahay in ay gacmaha is qabsadaan oo aanay ogolaan in maalin walba qaar iyaga kamid ah ay Shabaab si xaqdaro ah u disho.

Madaxweynahu wuxuu sheegay in Dowlada Federaalku ay ka gaabisay masuuliyadii ka saarayd Amniga iyo Xoraynta dalka taa badalkeedana ay khalkhal iyo shaqaaqooyin ka abuurayso deegaano nabdoon iyadoo taasi ay fursad u siisay Al-Shabaab in ay gaystaan weeraro ay dadka shacabka ah iyo Xarumaha Dowlada ku beegsanayaan waxaa kale oo Madaxweynahu uu sheegay in Gobolada qaar ay dib usoo noqdeen dagaaladii qabaailka iyo awoodii Al-Shabaab

Mustaqbal media

Recent Posts

MW Xasan Sheekh “Soomaaliya waxa ay u furan tahay in la Maalgashado”

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Soomaaliya ay u furan tahay…

47 mins ago

Turkiga oo Soomaaliya keenaya Maraakiib Kalluumaysi

Danjiraha Turkiga ee Soomaaliya, Alper Aktaş oo ka hadlay Shirweynaha 1aad ee Badaha Soomaaliya ayaa…

1 hour ago

MW Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta furaya Shirweynaha Badaha Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta furaya shirweynaha 1aad Badaha Soomaaliya oo…

3 hours ago

Kooxo hubaysan oo ku dagaalamay mid kamid ah Xarumaha Shidaalka ee Liibiya

Magaalada Zawiya ee qiyaastii 45ta Kiilo-mitir dhinaca Galbeed uga beegan Caasimadda Liibiya ee Tripoli waxaa…

3 hours ago

RW Xamsa oo bogaadiyay isbaddelka uu sameeyay Maamulka Waqooyi Bari

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa bogaadiyay tallaabooyinka Amni, Dib u dhis…

4 hours ago

Kenya oo kordhinaysa Ciidamada ka jooga deegaannada xiga Soomaaliya

Mas’uuliyiin katirsan Dowladda Kenya ayaa laga soo xigtay in Xukuumadda Nairobi ay kordhinayso Ciidamada ammaanka…

17 hours ago