Ciidanka dowladda federaalka ayaa maanta magaalada Muqdisho ku toogtay laba nin oo ka tirsan xarakada Al Shabaab.
Raggan oo si gaar ah uu dilkooda uga dhacay xaafada Suuqa Xoolaja gaar ahaan halka loo yaqaano Carte ayaa waxaa la dilay kadib markii ay rasaas kala hor yimaadeen ciidan dowladda ka tirsan oo waday roondo.
Ciidanka iyo ragga Shabaabka ah oo watay laba gaari oo midi uu yahay caasi ayaa iska hor imaad daqiiqado socday uu dhexmaray, waxaan ragga Shabaabka ah laga dilay laba dhalinyaro ah, Sida ay soo sheegayaan saraakiisha Amaanka.
Sawirro laga soo qaaday xubnaha la toogtay ayaa waxaa jirkooda ka muuqatay rasaas fara badan, iyada oo meydadkooda ay soo qaadeen ciidanka dowladda.
Saraakiisha ammaanka ayaa waxa ay sheegeen hawlgalkan inuu kaga dhintay Hal askari oo ka tirsanaa ciidanka dowladda federaalka.
Toogashada xubnahan ka tirsan Shabaab ayaa waxa ay ku soo aaday xilli maanta Al Shabaab ay qarax ku weerareen xarunta degmada Hodan oo ay ku dileen rayid iyo ciidan.
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Soomaaliya ay u furan tahay…
Danjiraha Turkiga ee Soomaaliya, Alper Aktaş oo ka hadlay Shirweynaha 1aad ee Badaha Soomaaliya ayaa…
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta furaya shirweynaha 1aad Badaha Soomaaliya oo…
Magaalada Zawiya ee qiyaastii 45ta Kiilo-mitir dhinaca Galbeed uga beegan Caasimadda Liibiya ee Tripoli waxaa…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa bogaadiyay tallaabooyinka Amni, Dib u dhis…
Mas’uuliyiin katirsan Dowladda Kenya ayaa laga soo xigtay in Xukuumadda Nairobi ay kordhinayso Ciidamada ammaanka…