Booliska Magaalada Muqdisho ayaa shaaciyay magaca Nin ay ku sheegeen in uu ahaa sarkaal ka tirsanaa Xarakada Al-shabaab kaas oo qaabilsanaa Degmooyinka Hiriwaa iyo Yaaqshiid.
Afhayeenka Booliska Soomaaliya Qaasim Axmed Rooble ayaa sheegay in Abuukar Xasan Cadde oo ka tirsanaa Al-shabaab ay ku dileen howlgal ka dhacay xaafadda Suuqa Xoolaha ee Magaalada Muqdisho.
Qaasim ayaa sheegay in ABuukar howlgalka lagu dilay ka hor isaga dilay hal Askari mid kalena dhaawacay,isaga oo xusay in Ciidanka ay doonayeen qabashadiisa hayeeshee uu dagaallamay sidaasna Askari Boolis ah ku dilay.
Waxaa uu sheegay in Abuukar uu ka tirsanaa AL-shabaab islamarkaana uu la shaqeynayay Rag horay qaar loo dilay kuwana loo xiray.
Afhayeenka Booliska ayaa sheegay in Abuukar Xasan Cadde, Ciise Tarabuun oo xiran iyo Jacfae Kuukay oo horay loo dilay ay wada shaqeynayeen kana tirsanaayeen amniyaadka AL-shabaab.
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Soomaaliya ay u furan tahay…
Danjiraha Turkiga ee Soomaaliya, Alper Aktaş oo ka hadlay Shirweynaha 1aad ee Badaha Soomaaliya ayaa…
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta furaya shirweynaha 1aad Badaha Soomaaliya oo…
Magaalada Zawiya ee qiyaastii 45ta Kiilo-mitir dhinaca Galbeed uga beegan Caasimadda Liibiya ee Tripoli waxaa…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa bogaadiyay tallaabooyinka Amni, Dib u dhis…
Mas’uuliyiin katirsan Dowladda Kenya ayaa laga soo xigtay in Xukuumadda Nairobi ay kordhinayso Ciidamada ammaanka…