Madaxweynaha Galmudug oo Nairobi kula kulmay Safiirka Jarmalka ee Soomaaliya.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa maanta la kulmay safiirka dawladda Jarmalka u fadhiya Soomaliya Ms. Annett Gunther, waxayna uga hadleen marxaladda dalka Soomaaliya guud ahaan, gaar ahaana xaaladda Galmudug.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Xaaf oo mudooyinkaan dambe ku sugnaa Magaalada Nairobi ee Caasimada dalka Kenya ayaa maanta kulan ka qaatay Safiirka Jarmal ee Soomaaliya Annett Gunther waxa ay ka wada hadleen halka ay marayso Xaalada Galmudug ee dhinacyada amniga iyo hormarinta.

Madaxweynaha ayaa u uga mahad celiyey dawladda jarmalka hawsha shaqo oo ay ka wadaan Soomaalia gaar ahaan kuwa ay ka wadaan deegaanada Galmudug. Wuxuuna u bandhigay baahiyaha ka jira Galmudug loona baahan yahay in dawladda jarmalka gacan ka geysato sida lagu sheegay qoraal la soo dhigay barta Facebook ee Madaxweyne Xaaf.

Madaxweynayaasha Dowlad Goboleeyada Galmudug,Puntland iyo Jubbaland ayaa ku sugan Magaalada Nairobi waxa ayna kulamo laleeyihiin Safiirada iyo diblumaasiyiinta daneeya arimaha Soomaaliya ee ku sugan Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya

MM Staff

Recent Posts

Sheekh Xasiina oo ku dhawaaqday inay ku laabanayso Bangladesh inkastoo dil lagu xukumay

Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Bangladesh, Sheekh Xasiina, ayaa shaaca ka qaadday inay dalkeeda dib…

8 hours ago

Maxay ka wada hadleen Wasiirrada Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo Pakistan?

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cabdisalaam Cabdi Cali ayaa kulan gaar ah maanta la yeeshay Ra’iisul…

10 hours ago

Jabuuti oo sheegtay in ay ciidamadeeda sii joogi doonaan gudaha Soomaaliya

Dowladda Jabuuti ayaa sheegtay in ay diirada saareyso dagaalka ka dhanka ah As, iyadoo qeyb…

13 hours ago

Maamulka Jubbaland oo cambaareeyay colaadaha sokeeye ee Puntland kasoo ifbaxday

Maamulka Jubbaland ayaa war kasoo saaray dagaalkii saakay ka dhacay Bariga Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka…

14 hours ago

DFS oo sheegtay in ay Warshado waa weyn ka hirgelinayso Degmada Balcad

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in Warshado waa weyn oo kaalin muhiim ah ka qaata…

15 hours ago

Soomaaliya oo Itoobiya uga tacsiyaysay Dadkii ku dhintay Roobka ka da’ay Gobolka Amxaarada

War kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa dowladda…

15 hours ago