Farmaajo iyo Sisi
Madaxweynaha Dalka Masar C/Fitaax Al Sisi ayaa Magaalada Qaahira kula kulmay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo madax kale oo ka socda Afrika.
Madaxweyne Sisi ayaa kulanka uu la qaatay dhiggiisa Soomaaliya ku sheegay in Masar ay sii wadeyso taageeradeeda xoogga leh ee la xiriirta midnimada Soomaaliya.
Afhayeenka Madaxtooyada Dalka Masar Bassam Rady, ayaa sheegay in Masar ay si xoog leh u taageersantahay midnimada Soomaaliya sidoo kale caawineyso dowladda Soomaaliya.
magaalada Qaahira waxaa maanta ka furmaya shir uu marti geliyay C/Fitaax Al Sisi oo looga hadlayo waxaa ka mid ah xaaladaha dalalka Suudaan iyo Liibiya.
Mr Al Sisi ayaa sidoo kale la kulmay madaxda Waddamada qaar sida Koofur Afrika,Chad, Djibouti, Rwanda, iyo Congo.
Waxaa sidoo kale shirka ka qeybgelaya guddoomiyaha Midowga Afrika, Ra’isalwasaare ku xigeenka Itoobiya, wakiillo ka kala socda dalalka Uganda, Nigeria iyo kuwo kale.
Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Bangladesh, Sheekh Xasiina, ayaa shaaca ka qaadday inay dalkeeda dib…
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cabdisalaam Cabdi Cali ayaa kulan gaar ah maanta la yeeshay Ra’iisul…
Dowladda Jabuuti ayaa sheegtay in ay diirada saareyso dagaalka ka dhanka ah As, iyadoo qeyb…
Maamulka Jubbaland ayaa war kasoo saaray dagaalkii saakay ka dhacay Bariga Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka…
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in Warshado waa weyn oo kaalin muhiim ah ka qaata…
War kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa dowladda…