GUDAHA/wararka

Madaxweynaha Eretariya oo digniin u diray Itoobiya

Madaxweynaha Eritrea, Isaias Afwerki ayaa si kulul uga hadlay hanka Itoobiya ee ah in ay hesho marin badeed, isaga oo sheegay in haddii Itoobiya isku daydo in ay xoog kula wareegto dekedaha Eritrea, gaar ahaan dekedda Assab, ay arrintaasi sababi karto dagaal cusub oo ka dhex qarxa labada dal ee dariska ah.

Madaxweyne Afwerki, oo waraysi siiyay telefishinka qaranka ee Eri-TV, ayaa ku tilmaamay hamiga Itoobiya ee ah in ay hesho marin badeed “mid khatar ah” oo laga yaabo inuu horseedo dagaal gobolka ka qarxa. Wuxuu yiri:

“Haddii ay Itoobiya u malaynayso in ay ka awood badnaan karto ciidanka Eritrea, qabsan kartana dhulkooda, taasi waa riyo” ayuu yirir Afwerki.

Isaga oo sii hadlaya ayuu ka digay in Itoobiya aysan dadkeeda u soo jiidin dagaal iyo colaad hor leh.

Hadalkan ayaa loo arkaa mid jawaab u ah dhaqdhaqaaqyada Itoobiya ku dooneyso marin badeed ku yaalla Badda cas.

Hore Itoobiya waxaa ay isku dayday in ay saldhig ciidan ka hesho Somaliland, iyada oo heshiis muran dhaliyay 1 bishii Janaayo ee sannadkii hore la saxiixday.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si cad uga hortimid heshiiskaasi, waxaana mowqifkaasi taageeray Masar iyo Turkiga.

Sidoo kale, hadalka Madaxweynaha Eretira ayaa imaanaya xilli Itoobiya ay u shaacisay in ay si buuxda u dhammeystirtay mashruuca biyo-xireenka weyn ee GERD, islamarkaana ay casuumad rasmi ah u dirtay dalal kala duwan si ay uga qeyb galaan furitaankiisa.

Diblomaasiyiinta gobolka iyo falanqeeyayaasha arrimaha Geeska Afrika ayaa sheegaya in Afwerki inuu doonayo awood gobolka ah iyo inuu ka hortago damaca Itoobiya.

Labada dal waxaa hore u dhexmaray dagaalo qaraar oo dhacay sannadihii 1998 ilaa 2000, inkasta oo heshiis nabadeed la saxiixay 2018

Mustaqbal

MM News

Recent Posts

Kenya oo kordhinaysa Ciidamada ka jooga deegaannada xiga Soomaaliya

Mas’uuliyiin katirsan Dowladda Kenya ayaa laga soo xigtay in Xukuumadda Nairobi ay kordhinayso Ciidamada ammaanka…

13 hours ago

Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo soo saaray Shuruudaha iyo Jadwalka Doorashada

Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…

15 hours ago

Maxay tahay farriinta uu bulshada u diray RW ku xigeen Jibriil oo celiyay Baasaboorka Kenya?

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…

18 hours ago

Degmada Shangaani oo dib looga howlgelinayo Biyo Mareennadii ay lahayd

Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…

20 hours ago

Natiijada Doorashadii isku sidkanayd ee Galmudug oo maanta la shaacinayo

Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…

21 hours ago

RW Xamsa oo Laascaanood kula kulmay qaar kamid ah Bulshada Magaaladaas

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…

22 hours ago