Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa sheegay in dhawaan ay kulan saddex geesood ah uu la yeelan doono Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Eretareeya.
Qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed waxa uu kaga hadlay shirkaas oo uu tilmaamay in uu ka dhacayo Magaalada Asmara ee Xarunta dalka Eritrea.
Waqti dhab ah ma shaacin, balse waxa uu sheegay in dhawaan kulanka Madaxda Saddexdaan dal uu ka dhacayo Magaalada Asmaro.
Sidoo kale Abiy Ahmed ma shaacin Ajendaha fadhiga uu qaybta ka yahay oo ay ka qaybgalayaan Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Marti gelinaya shirkaan ee Eritrea Isaias Afwerki.
“Waxaan la kulmi doonaa walaalahay, hogaamiyaasha Ereteriya iyo Soomaaliya, Madaxweyne Isaias Afwerki, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi iyo anigu waxaan ka wada hadli doonaa arrimo badan. Sida had iyo jeerba, waxaan hubaa in magaaladeyda qaaliga ah ee soo dhaweynta ah ee Asmara ay joogitaankeena farxad ka yeeli doonto.”ayuu yiri Abiy Axmed.
Madaxda Dowladaha Soomaaliya, Itoobiya iyo Eretareeya waxa ay dhisteen isbaheysi ay ku mideysan yihiin oo dhowr jeer kulamo kala duwan ay ka yeesheen xaaladda saddexda dal.
Abiy Ahmed waxaa loo tiiriyaa in uu sal u yahay isbadalka geeska Afrika, kadib markii uu ku dhiiraday heshiis uu la galay Xukuumadda Asmara oo dagaal iyo colaad dhexmartay.
Qoyska Matiabe Onchari oo ah 38 jir kasoo jeeda Tuulada Nyamondo, deegaanka Koofurta Mugirango ee…
Qaramada Midoobay ayaa dalbatay in baaritaan madaxbannaan lagu sameeyo howlwadeenno katirsan oo ku dhintay Xabsi…
Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Biixi Iimaan Cige, ayaa sheegay in dowladda ay qorsheyneyso dib…
Qaramada Midoobay ayaa maanta si rasmi ah u soo gabagabeysay Hawlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee…
Dowladda Turkiga ayaa sheegtay in ay Soomaaliya ka waacinayso adkaynta Amniga Badda si looga hortago…
Waxaa maanta ku siman muddo sharciyeedka Xafiiska Siyaasadda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya loona soo gaabiyo…