GUDAHA/wararka

Madaxa Sirdoonka Turkiga oo Istanbul kula kulmay Hoggaanka sare ee Xamaas

Madaxa Sirdoonka Qaranka ee dalka Turkiga, Ibraahim Kalin, ayaa magaalada Istanbul kulan kula qaatay wefdi heer sare ah oo ka socda dhaqdhaqaaqa Falastiiniyiinta ee Xamaas, sida ay xaqiijiyeen ilo dhanka amniga ah.

Kulankan oo dhacay maalintii Sabtida, ayaa dhexmaray Ibraahim Kalin iyo Khaliil al-Hayya oo ah xubin ka tirsan Xafiiska Siyaasadda ee Xamaas, isla markaana ah madaxa kooxda gorgortanka ee dhaqdhaqaaqa, iyadoo ay wehlinayeen xubno kale oo sare oo ka tirsan ururka.

Labada dhinac ayaa si qoto dheer uga wada hadlay heshiiska xabbad-joojinta ee marinka Gaza, kaas oo hadda la sheegay inuu u gudbay wejigiisii labaad.

Waxaa la isku raacay in si dhow looga wada tashado sidii kor loogu qaadi lahaa gargaarka bini’aadantinimo ee la gaarsiinayo shacabka dhibaataysan ee Gaza.

Labada wefdi ayaa ka wada hadlay dib u furista Marinka Rafah ee isku xira Gaza iyo Masar, si uu ugu shaqeeyo labada dhinacba.

Waxaa kale oo kulanka lagu soo qaaday bilaabista hawlaha Guddiga Qaranka ee Maareynta Gaza, kaas oo loogu talagalay inuu maamulo arrimaha gudaha ee marinka.

Intii uu kulanku socday, wefdiga Xamaas ayaa si weyn ugu mahadceliyay Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, dadaalka hagar la’aanta ah ee uu ugu jiro dhexdhexaadinta iyo xaqiijinta nabadda ka dhalata Qasa.

Hoggaanka Xamaas ayaa bogaadiyay doorka dammaanad-qaad ee dalka Turkiga iyo saameynta sii kordhaysa ee Ankara ay ku leedahay wejiga labaad ee qorshaha nabadda, iyadoo Turkigu uu safka hore kaga jiro dalalka doonaya in xal waara loo helo colaadda ka taan marinka Gaza.

Kulankan ayaa imaanaya xilli ay socdaan dadaallo caalami ah oo lagu doonayo in lagu joojiyo dagaalka, laguna fududeeyo gargaarka, iyadoo Turkigu uu door muhiim ah ka ciyaarayo isku soo dhoweynta dhinacyada iyo u ololeynta xuquuqda shacabka Falastiin.

Mustaqbal

MM News

Recent Posts

Tahriibayaasha ku dhintay Ceuta oo sii kordhay

Sida ay ku warrantay Wakaaladda Wararka Reuters, waxaa sii kordhay dadka Tahriibayaasha ah ee ku…

5 hours ago

Fannaan Axmed Cali Cigaal oo ku geeriyooday Maraykanka

Allaha U Naxariistee Axmed Cali Cigaal oo kamid ahaa Fannaaniinta Soomaaliyeed ayaa ku geeriyooday Dalka…

9 hours ago

Ciidanka Xoogga Dalka oo lagu gacansiinayo la wareegista mas’uuliyadda Amniga Soomaaliya

Shirka Madaxda Dalalka ciidamada usoo diray Soomaaliya iyo Dowlada Federaalka ay ku yeesheen Magaalada Kampala…

10 hours ago

Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka JFS oo berri furmaya

Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa berri lagu wadaa in uu furmo iyada oo…

11 hours ago

Soomaaliya oo ka qayb qaadanaysa xasiloonida Badda Cas, Baabul-Mandab & Gacanka Cadmeed

Soomaaliya ayaa kamid noqotay dalal badan oo xaaladda Badda Cas kulmisay si looga hortago halista…

11 hours ago

Maraykanka oo beeniyay in wadahadallo ka dhacay Masar looga hadlay arrinta Itoobiya

Lataliyaha sare ee Madaxweynaha Maraykanka ee Arrimaha Carabta iyo Waqooyiga Afrika, Massad Boulos ayaa beeniyay…

11 hours ago