Maamullada Degmooyinka qaar ee Hargeysa oo diiday bixinta Canshuurta

Saddex ka mid ah Maamullada Degmooyinka Magaalada Hargeysa ee Xarunta Somaliland ayaa diiday in ay bixiyaan canshuurta degmooyinka ee ay qaaddo dowladda hoose ee Hargeysa.

Mas’uuliyiinta Degmooyinka ayaa ku doodaya in Canshuurta laga qaado hayeeshee aysan jirin wax beddel ah oo ay ka heleen sidaas darteedna ay Canshuurta sideeda u bixinayaan kuna maareynayaan dhibaatada ka jirta degmooyinka iyaga oo aan gaarsiin Dowladda hoose.

Degmooyinka saddexda ah ayaa kala ah; Maxamuud Haybe,Axmed Dhagax iyo 31ka May,waxaana ay sheegayaan in iyaga ay isku tashanayaan.

Arrintan ayaa ka dhalatay kaddib markii maamullada Degmooyinkaas ay sheegeen in biyaha,Waddooyinka,  iyo adeegyada kale ee arrimaha bulshada ay kaga liitaan degmooyinka kale ee magaalada,waxaana ay gacan bidxeyn ku eedeeyeen maamulka Magaalada Hargeysa.

Magaalada Hargeysa waxaa ka socda mashruuc biyo gelin ah,kaas oo ay Somaliland sheegtay in Sanadka soo socda ee 2019 ay dadka magaalada heli doonaan biyo ku filan iyada oo mashruuca biya gelinta uu hadda marayo 85% sida ay sheegeen mas’uuliyiinta Somaliland.

 

 

 

Mustaqbal media

Recent Posts

Cuba oo Maraykanka ku eedeysay in uu geliyay dhibaatooyin Dhaqaale

Dowladda Cuba ayaa Maraykanka ku eedeysay in uu geliyay dhibaato dhaqaale kaddib markii uu kordhiyay…

38 mins ago

Muqdisho oo laga daahfuray Madasha Afaraad ee Amniga Saybarka Qaranka

Madasha Afaraad ee Amniga Saybarka Qaranka ayaa maanta si rasmi ah uga bilaabatay magaalada Muqdisho,…

15 hours ago

Maxaa ka jira in Diyaaradaha Turkiga ee F-16 si kama’ ah u duqeeyeen Ciidan ka tirsan XDS?

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay in wararka sheegaya in diyaaradaha…

16 hours ago

Miisaaniyadda Dowladda Soomaaliya ee 2027 oo hoos u dhacday 9.2%

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ansixiyey miisaaniyadda dowladda ee sannadka 2027, taas oo gaareysa…

17 hours ago

Maxaa looga hadlay kulanka Golaha Wasiirada XFS?

Kulanka Golaha Wasiirrada oo uu shir-guddoomiyay Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha, ahna Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda, Saalax…

17 hours ago

Lu da Silva oo ku guullaystay Doorashadii ka dhacday Brazil

Lula da Silva oo ah Madaxweynaha Brazil ayaa ku guullaystay markale xilkaas kaddib markii uu…

2 days ago