Saddex ka mid ah Maamullada Degmooyinka Magaalada Hargeysa ee Xarunta Somaliland ayaa diiday in ay bixiyaan canshuurta degmooyinka ee ay qaaddo dowladda hoose ee Hargeysa.
Mas’uuliyiinta Degmooyinka ayaa ku doodaya in Canshuurta laga qaado hayeeshee aysan jirin wax beddel ah oo ay ka heleen sidaas darteedna ay Canshuurta sideeda u bixinayaan kuna maareynayaan dhibaatada ka jirta degmooyinka iyaga oo aan gaarsiin Dowladda hoose.
Degmooyinka saddexda ah ayaa kala ah; Maxamuud Haybe,Axmed Dhagax iyo 31ka May,waxaana ay sheegayaan in iyaga ay isku tashanayaan.
Arrintan ayaa ka dhalatay kaddib markii maamullada Degmooyinkaas ay sheegeen in biyaha,Waddooyinka, iyo adeegyada kale ee arrimaha bulshada ay kaga liitaan degmooyinka kale ee magaalada,waxaana ay gacan bidxeyn ku eedeeyeen maamulka Magaalada Hargeysa.
Magaalada Hargeysa waxaa ka socda mashruuc biyo gelin ah,kaas oo ay Somaliland sheegtay in Sanadka soo socda ee 2019 ay dadka magaalada heli doonaan biyo ku filan iyada oo mashruuca biya gelinta uu hadda marayo 85% sida ay sheegeen mas’uuliyiinta Somaliland.
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta furaya shirweynaha 1aad Badaha Soomaaliya oo…
Magaalada Zawiya ee qiyaastii 45ta Kiilo-mitir dhinaca Galbeed uga beegan Caasimadda Liibiya ee Tripoli waxaa…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa bogaadiyay tallaabooyinka Amni, Dib u dhis…
Mas’uuliyiin katirsan Dowladda Kenya ayaa laga soo xigtay in Xukuumadda Nairobi ay kordhinayso Ciidamada ammaanka…
Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…