GUDAHA/wararka

Maamulka Manchester United & Macallin Ruben Amorim oo taagan meeshii ay ku kala tagi lahaayeen  

Macallin Kooxda Kubadda Cagta Manchester United Ruben Amorim oo xalay kooxdiisa ay garaacday naadiga ay isku Gobolka kawada tirsan yihiin ee Manchester City waxaa kusii kordhay cadaadis uga imaanaya Milkiileyaasha Naadiga, Ciyaartoyda, kuwo hore, Taageerayaasha iyo dhnacyo kale.

Ruben Amorim ayaa qarka u saaran in uu iscasilo ama laga eryo Kooxda oo go’aan adag ay qaataan milkiileyaasha Kooxda si looga badbaadiyo in ay u dhacdo heerka labaad ee Horyaalka Ingiriiska inkasta oo fursado iyo kulamo badan ay u harsan yihiin Naadigaan sidoo kale lagu magacaabo Red Devils.

Wayne Rooney, Gary Neville, Roy Keane & kuwo kale ayaa soo jeediyay in isbaddel degdeg ah ay u baahan tahay Kooxdoodii ay horay kula guulaysteen koobab badan maadaama aanay ku daawan Karin heerka ay maanta joogto iyada oo sanadkii hore ku dhammaysatay meel aad u liidato haatana ay dhabbahaas ku socoto.

Yaa baddeli kara haddii la eryo ama uu tago Macallinka Manchester United?

Shabakadaha ka faalooda Cayaaraha ayaa ku dooday in Macallinka Kooxda Kubadda Cagta ee Aston Villa ee Unai Emery oo qudhiisa cadaadis xooggan saaran loo badinayo in loo bandhig karo badbaadinta Manchester United, inkasta oo ay jiri karaan dooqyo kale oo soo bixi kara marka Ruben Amorim laga hor wareejiyo Kooxdaas.

Mustaqbal

MM Staff

Recent Posts

Kenya oo kordhinaysa Ciidamada ka jooga deegaannada xiga Soomaaliya

Mas’uuliyiin katirsan Dowladda Kenya ayaa laga soo xigtay in Xukuumadda Nairobi ay kordhinayso Ciidamada ammaanka…

13 hours ago

Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo soo saaray Shuruudaha iyo Jadwalka Doorashada

Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…

16 hours ago

Maxay tahay farriinta uu bulshada u diray RW ku xigeen Jibriil oo celiyay Baasaboorka Kenya?

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…

18 hours ago

Degmada Shangaani oo dib looga howlgelinayo Biyo Mareennadii ay lahayd

Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…

21 hours ago

Natiijada Doorashadii isku sidkanayd ee Galmudug oo maanta la shaacinayo

Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…

21 hours ago

RW Xamsa oo Laascaanood kula kulmay qaar kamid ah Bulshada Magaaladaas

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…

23 hours ago