GUDAHA/wararka

Israa’iil oo kordhisay duqaymaha ay ku dulayso Dadka rayidka ah ee reer Gaza

Militarita Israa’iil oo adeegsanaya diyaaradaha dagaalka iyo gantaallada culus ay ku beegsanayaan magaalada Gaza ayaa kordhiyay weerarrada ka dhanka ah Magaaladaas kaddib markii culays xooggan uu koray ciidankeeda dhulka ku sugan.

Duqaymihii u dambeeyay ee Militariga Israa’iil ay fuliyeen waxa ay ku dileen dad rayid ah oo qaarkood Carruur ah kuwaas oo ku sugnaa goobaha fara-kutiriska ah ee Magaalada Gaza ay ku gabbaadsanayaan Dadkaas.

Ugu yaraan 6 qof oo 4 kamid ah carruur ah ayaa dhintay, waxaa dhaawac uu soo gaaray tiro intaas ka badan, waxaa sii kordhaya walaaca laga muujinayo duqaymaha arxan-darrada ah ee aan loo meel dayin ee rayidka ka dhanka ah.

Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil oo culays dhinac weliba ah saaran ayaa ciidamadiisa ku cadaadinaya in ay kordhiyaan duqaymaha xitaa haddii ay ku gaari karaan goobaha ay ka gudbi la’ yihiin ee iska caabbinta xooggan kala kulmayaan Xamaas.

La soco wixii kasoo kordha

Mustaqbal

MM Staff

Recent Posts

Waa maxay ujeedka Wafdiga Saraakiisha Soomaaliya iyo Turkiga ee gaarey Baydhabo?

Saraakiil sare oo ka tirsan Militeriga Soomaaliya iyo Turkiga ayaa gaarey magaalada Baydhabo ee caasimadda…

1 hour ago

RW Xamsa Cabdi Barre oo gaaray Laascaanood

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi u badan Wasiiro katirsan Xukuumaddiisa…

6 hours ago

Ciidamada DFS & ‘AS’ oo ku dagaalamaya Gobolka Hiiraan

Wararka ka imaanaya Gobolka Hiiraan gaar ahaan inta u dhaxaysa Maxaas iyo Teedaan ayaa kusoo…

7 hours ago

Dagaalka u dhaxeeya Ciidanka Federaalka Itoobiya & kuwa TPLF oo sii xooggaystay

Galbeedka Gobolka Tigray ee dhaca Waqooyi Itoobiya waxaa ka socda dagaal galay maalintii labaad oo…

9 hours ago

Maxaa baddelay go’aankii Trump uu ku shaaciyay in uu duullaan ku qaadayo Iiraan?

Sida ay wariyeen Axios & AP, Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa dib uga laabtay dagaal…

10 hours ago

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo maanta ku wajahan Magaalada Magaalada Laascaanood

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta ku wajahan Magaalada Laascaanood ee…

10 hours ago