GUDAHA/wararka

Maamulka gobolka Hiiraan oo saanad ciidan kala wareegay dowlad deegaanka Soomaalida

Maamulka gobolka Hiiraan ayaa dowlad deegaanka Soomaalida ka  guddoomay saanad ciidan oo loogu talagay in lagu Dardar galiyo dagaalka AS.

Sahaydan oo saarneyd gaadiid xamuul ah ayaa waxaa la wareegay Guddoomiyaha gobolka Hiiraan, Muuse Salaad Wehliye iyo mas’uuliyiin kale.

Munaasabadda wareejinta deeqdan oo ka dhacday degmada Feerfeer oo ku taalla xadka ayaa waxaa ka qeyb galay Mas’uuliyiinta labada dhinac ee Gobolka Hiiraan iyo Dowlad deegaanka Soomaalida.

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan, Muuse Salaad ayaa sheegay in Saheyda ay kaalin ka qaadan karto dagaalka AS, isaga oo ka gaabsaday inuu sharraxaad ka bixiyo waxa ay ka kooban tahay.

Mas’uuliyiinta Dowlad deegaanka Soomaalida ayaa caddeeyay in ay garab taagan shacabka gobolka Hiiraan, si loo Dardar galiyo dagaalka AS.

Gobolka Hiiraan, gaar ahaan magaalada Maxaas ayaa waxaa ka socda kulamo lagu Dardar galinayo dagaalka AS oo dhawaan qabsaday magaalada Moqokori.

Mustaqbal

 

MM News

Recent Posts

Kenya oo kordhinaysa Ciidamada ka jooga deegaannada xiga Soomaaliya

Mas’uuliyiin katirsan Dowladda Kenya ayaa laga soo xigtay in Xukuumadda Nairobi ay kordhinayso Ciidamada ammaanka…

11 hours ago

Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo soo saaray Shuruudaha iyo Jadwalka Doorashada

Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…

14 hours ago

Maxay tahay farriinta uu bulshada u diray RW ku xigeen Jibriil oo celiyay Baasaboorka Kenya?

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…

16 hours ago

Degmada Shangaani oo dib looga howlgelinayo Biyo Mareennadii ay lahayd

Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…

19 hours ago

Natiijada Doorashadii isku sidkanayd ee Galmudug oo maanta la shaacinayo

Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…

19 hours ago

RW Xamsa oo Laascaanood kula kulmay qaar kamid ah Bulshada Magaaladaas

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…

21 hours ago