Xukumadda Federaalka Soomaaliya ayaa billaawday qorshe dib loogu furayo waddooyinka xiran ee magaalada Muqdisho, si loo yareeyo culeyska iyo ciriiriga ay wajahayaan Shacabka ku dhaqan Caasimadda.
Guddi loo xilsaaray xal ka gaaraan saxmadda ka jirta waddooyinka magaalada Muqdisho ayaa waxaa warbixin ka dhageystay Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag).
Guddigan oo ka kooban Hay’addaha Amniga, Maamulka gobolka Banaadir iyo Dowladda Federaalka ayaa soo bandhigay dhibaatooyinka ka dhasha ciriiriga gaadiidka ee waddooyinka Muqdisho, iyo sidii qiimeyn loogu sameyn lahaa waddooyinka xiran si dib loogu furo.
Shirkaan ayaa sidoo kale la isku raacay in culeyska xayiraadaha ka dhashay laga yareeyo shacabka.
Wasiirka ayaa faray guddiga in ay si degdeg ah u billaabaan howlaha, isla markaasna soo diyaariyaan qorshe lagala soo tashaday hay’adaha amniga, gaadiidka, iyo maamulka degmooyinka.
Waddooyinka loo yaqaan Jid cadayaasha Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku go’an dhagaxyo, tillaabadaasi oo dowladda u qaaday sidii loo xaqiijin lahaa Amniga, loogana hortagi lahaa qaraxyada.
Mustaqbal
Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…
Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…
Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…
Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa soo bandhigay Dalal uu ku sheegay in ay ka codsadeen…