GUDAHA/wararka

Lolade Lawal: Dagaalka Ruushka waxa uu na geliyay Xaalad adag.

Lolade Lawal oo ah Ardayad u dhalatay Dalka Nigeria oo wax ku barata Ukraine ayaa sheegtay in xaalad adag ay kala kulantay duullaanka Ruushka uu ku qaaday Dalkaas 24kii Febaraayo 2022 oo baddelay nolosha Dad badan.

Waxa ay tilmaamtay in is baddel xooggan uu ku yimid nolosheeda iyo mustaqbalkeeda maadaama sanadkii saddexaad ay daraaseynaysay Kulliyadda Caafimaadka iyada oo wax la qaadaneysa Arday ay kasoo wada jeedaan Nigeria.

“Waxaa jirta cabsi xooggan, isbadel ayaa ku yimid dhammaan waxyaabihii wanaagsanaa ee nolosheena la xiriiray, Dadka ayaa kooxo kooxo u kala cararay oo u kala dhuuntay meelaha ay u arkaan in ay gabbaad uga dhigan karaan dagaalka” ayay tiri Lolade Lawal.

“Waxa aan ku dhuumanay meelo kala duwan innaga oo welwelsan, kor ayaan iskala soconay oo indhaha ayaan isku heynay xili aan meelo kala duwan ku kala dhuumaneynay, Magaalada Sumy ayaan joognay” ayay hadalkeeda sii raaciyay Lolade xili ay la hadashay Aljazeera.

Dadka ku barakacay Dagaalka Ruushka uu ku qaaday Ukraine ee maalintii shanaad galay waxaa kamid ah Ajaanib Waxbarasho u tagtay Dalkaas oo u kala dhashay Soomaaliya, Nigeria iyo waddamada kale ee Qaaradda Afrika.

Qaar kamid ah Dadkaan ayaa ka tallaabay Soohdinta Ukraine & Poland, Hay’adda Qaxootiga u qaabilsan Qaramada Midoobay ee UNHCR ayaa sheegtay in ka badan 150,000 ruux oo ka barakacay Ukraine in ay gaareen Poland.

Mustaqbal

MM Editor

Recent Posts

Baarlamaanka Waqooyi Bari oo ansixiyay qaraar ka dhan ah Maamulka Waqooyi Galbeed

Fadhi aan caadi ahayn oo ay maanta magaalada Laascaanood ku yeesheen Xildhibaanada Baarlamaanka Dowlad goboleedka…

3 hours ago

Masar oo markale garab istaag u muujisay midnimada & Xasiloonida Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, Dr Badr Abdelatty ayaa markale ku celiyay in Dowladdiisa ay garab…

6 hours ago

Xukuumadda Netanyahu oo waqti kordhin u samaysay xaaladda ka dhalatay cabsida ay ka qabaan Iiraan

Sida ay ku warrantay Warbaahinta ku hadasha Afka Maamulka Israa’iil, waxaa maalmo dheeraad ah lagu…

7 hours ago

Shirarka looga hadlayo Mustaqbalka AUSSOM oo ka kala socda Muqdisho, Addis Ababa & Kampala

Magaalooyinka Muqdisho, Addis Ababa iyo Kampala waxaa ka socda shirar looga hadlayo Mustaqbalka Howlgalka Midowga…

8 hours ago

Ciyaaryahan Marc Cucurella oo sharaxay sababta uusan u jarayn Tintiisa

Ciyaaryahanka u dhashay Dalka Spain kuna guullaystay Koobka Adduunka 2026 ee lagu magacaabo Marc Cucurella…

9 hours ago

Maxay tahay fariinta Puntland ay u dirtay Galmudug?

War kasoo baxay Dowlad-Goboleedka Puntland ayaa Galmudug loogu baaqay in ay ka waantowdo in saanad…

10 hours ago