Dowladda Jarmalka ayaa qorsheysay in ay bixiso €20 Milyan oo Yuuro oo u dhiganta ($22 Milyan oo doollar) si wax looga qabto Abaarta ku dhufatay Soomaaliya, Itoobiya & Kenya oo saameyn taban ku reebtay malaayiin ruux.
1.4 Milyan oo ruux oo kamid ah 7.7 Milyan oo abaarta ku saameysay Soomaaliya ayaa u baahan gargaarka degdeg ah maadaama dhulka deegaanka u ah uu qalalay waxa ay waayeen biyo ay cabbaan & daaqa xoolahooda u baahan yahay.
Jarmalka ayaa kaalmadaan kusoo shubaya sanduuqa taakulada ee Qaramada Midoobay si gargaar bani aadaminimo loogu baddelo loona gaarsiiyo Dadkaan ku nool dalalka Xad-wadaagga ah ee Soomaaliya, Itoobiya & Kenya.
Roob rayi, colaad sokeeye & dhaqaalaha Dowladahaan oo liita ayaa sabab u ah in qoysas badan ay waayaan waxyaabaha lagama maarmaanka u ah dhanka Nolosha, taasi waxa ay ku qasabtay in ay isaga tagaan deegaannadooda.
Jarmalka oo daba socda warbixinno ay soo gudbiyeen Hay’adaha Qaramada Midoobay ee Beeraha, Qaxootiga & Caafimaadka ayaa ku dhiiradatay in uu kaalmadaan lasoo degdego si loo daba-qabto malaayiinta xaaladaha adag la daalaa-dhacaya.
“70% waxaa hoos u dhacay Roobka, horay waxaa Gobollada qaar uga da’ay roob aan badneen, Reer guuraagu waxa ay socod u galeen sidii ay u heli lahaayeen dhul fog si ay biyo ugu helaan naftooda iyo tan xoolaha ay dhaqdaan” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Jarmalka.
Ku xigeenka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Amina Jane Mohammed oo 8dii Febaraayo 2022 booqatay qaybo kamid ah Dowlad-Deegaanka Soomaalida ayaa dalbatay in gargaar degdega ah lagu caawiyo qoysaska qaarkood ay soo aragtay oo jirkooda ka muuqata saameynta taban abaartu ku reebtay.
Mustaqbal
Shiinaha ayaa mar kale muujiyay taageerada uu u hayo ilaalinta midnimada, madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed…
Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa joojiyay lacag dhan $100 oo Xildhibaannada looga jari…
Dowladda Turkiga ayaa qorsheyneysa in sannadka soo socda 2027 ay Soomaaliya ka dirto Dayax gacmeed…
Kooxaha Burcad Badeedda Soomaalida ayaa sii daayay Markab u afduubnaa sida ay ku warrameen ilo…
Alper Aktaş oo ahaa Danjirihii Turkiga ee Soomaaliya 2024 ilaa 2026 ayaa laga sagootiyay Magaalada…
15ka xubnood ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa u codeeyay qaraar lagu waqti dheereynayo…