Madaxtooyada Boosaaso xarunta Gobolka Bari waxaa maanta lagu wadaa in ay ku kulmaan Madaxweynaha DG Puntland Siciid Cabdullaahi Deni & Agaasimaha PSF ee diiday xil ka qaadistii uu ku sameeyay 24kii November 2021.
Deni iyo Diyaano waxa ay la kulmeen Isimada dhaqanka Gobolka Bari oo kala hadlay sidii ay uwada xaajoon lahaayeen si loosoo afjaro dagaalkii December 2021 Boosaaso ku dhexmaray Ciidamo kala taabacsan.
Ilo ku dhaw kulanka ayaa Mustaqbal u sheegay in Siciid Deni oo dhageystay soo jeedinta Odoyaasha dhaqanka ee sameeyay Xabad-joojinta iyo go’aamadii lagu soo afjaray dagaalka ee haatan u baahan in la dhammeysto colaadda.
Siciid Deni ayaa Boosaaso u tagay la kulanka Isimada isku howlay dhexdhexaadinta dagaalka dhexmaray Ciidamada ka amar-qaata iyo kuwa la safan Agaasimaha PSF Maxamuud Cismaan Diyaano.
La soco wixii kasoo kordha
Mustaqbal
Fadhi aan caadi ahayn oo ay maanta magaalada Laascaanood ku yeesheen Xildhibaanada Baarlamaanka Dowlad goboleedka…
Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, Dr Badr Abdelatty ayaa markale ku celiyay in Dowladdiisa ay garab…
Sida ay ku warrantay Warbaahinta ku hadasha Afka Maamulka Israa’iil, waxaa maalmo dheeraad ah lagu…
Magaalooyinka Muqdisho, Addis Ababa iyo Kampala waxaa ka socda shirar looga hadlayo Mustaqbalka Howlgalka Midowga…
Ciyaaryahanka u dhashay Dalka Spain kuna guullaystay Koobka Adduunka 2026 ee lagu magacaabo Marc Cucurella…
War kasoo baxay Dowlad-Goboleedka Puntland ayaa Galmudug loogu baaqay in ay ka waantowdo in saanad…