DIBADDA/Wararka

Hoos u dhac ballaaran oo ku yimid Qiimaha lacagta Ruushka ee ruble.

Qiimaha lacagta Ruushka ee ruble ayaa Isniinta maanta ah hoobatay marka loo eego dollar-ka iyo Euro ee Suuqa Sarifka Lacagaha ee Msocow, xilli Reer Galbeedka ay Moscow ku ciqaabeen xayiraado dhaqaale oo ka dhashay duulaanka ay ku qaaday Ukraine.

Qiimaha ruble-ka ayaa maanta gaartay 100.96 halkii dollar, halka ay ka aheyd 83.5 Arbacadii, maalin ka hor duulaanka Ukraine. Sidoo kale halkii Euro ayaa waxaa lagu sarifayey 113.52 ruble, halka ay kahor weerarka ka aheyd 93.5.

Qiimo dhacan ayaa ka dhashay kadib markii Reer Galbeedka ay ku dhowaaqeen inay qaar ka mid ah Bankiyada Ruushka ka saari doonaan nidaamka SWIFT ee isku xira islamarkaana ay lacagaha isugu diraan Bankiyada Caalamka.

Ruble-ka ayaa markii horeba si weyn hoos ugu dhacay marka loo eego lacagaha waa weyn ee caalamka, kadib markii dadka Ruushka ay safaf dhaadheer u galeen ATM-yada, si ay lacagahooda ugala baxaan islamarkaana ugu bedeshaan lacago shisheeye kahor inta aanu ku dhicin qiimo dhac kale.

Bankiga Dhexe ee Ruushka ayaa Isniintii maanta ah sheegay inuu qaaday tallaabooyin deg deg ah oo lagu xoojinayo dhaqaalaha, oo ay ka mid yihiin in heerka dul-saarka sare loo qaaday boqolkiiba 20, halkii markii hore uu ka ahaa 9.5 boqlkiiba, “si loo taageero xasilloonida maaliyadda iyo qiimaha, loogana hortago qiimo dhac ku yimaada keydka lacageed ee shacabka.”

Bankiga ayaa sidoo kale ku dhowaaqay in shirkadaha Ruushka ee dakhliga uu kasoo galo wax dhoofinta ay qasab tahay inay 80 boqlkiiba iibiyaan dakhliga kusoo galay lacaghaha qalaad.

Isha: VOA

MM Staff

Recent Posts

MW Suuriya oo shaaca ka qaaday in ay heshiis dhinaca Amniga ah la gaari doonaan Israa’iil.

Madaxweynaha Suuriya, Ahmed al-Sharaa, ayaa shaaca ka qaaday in ay heshiis dhinaca Amniga ah la…

3 hours ago

Baarlamaanka Waqooyi Bari oo ansixiyay qaraar ka dhan ah Maamulka Waqooyi Galbeed

Fadhi aan caadi ahayn oo ay maanta magaalada Laascaanood ku yeesheen Xildhibaanada Baarlamaanka Dowlad goboleedka…

6 hours ago

Masar oo markale garab istaag u muujisay midnimada & Xasiloonida Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, Dr Badr Abdelatty ayaa markale ku celiyay in Dowladdiisa ay garab…

10 hours ago

Xukuumadda Netanyahu oo waqti kordhin u samaysay xaaladda ka dhalatay cabsida ay ka qabaan Iiraan

Sida ay ku warrantay Warbaahinta ku hadasha Afka Maamulka Israa’iil, waxaa maalmo dheeraad ah lagu…

11 hours ago

Shirarka looga hadlayo Mustaqbalka AUSSOM oo ka kala socda Muqdisho, Addis Ababa & Kampala

Magaalooyinka Muqdisho, Addis Ababa iyo Kampala waxaa ka socda shirar looga hadlayo Mustaqbalka Howlgalka Midowga…

12 hours ago

Ciyaaryahan Marc Cucurella oo sharaxay sababta uusan u jarayn Tintiisa

Ciyaaryahanka u dhashay Dalka Spain kuna guullaystay Koobka Adduunka 2026 ee lagu magacaabo Marc Cucurella…

13 hours ago