GUDAHA/wararka

Laamaha Ammaanka oo Muqdisho ku qabtay Walxaha maanka-dooriya & Dad iibinayay.

Howlgal Ciidamada Booliiska ay ka sameeyeen Degmada Xamarjajab ee Gobolka Banaadir ayay kusoo kusoo qabtay Walxaha maanta dooriya iyo Dadkii iibinayay sida ay sheegeen mas’uuliyiin katirsan Hay’adaha Amniga & Maamulka Degmada.

Taliyaha Saldhigga Booliiska Degmada Xamarjajab ayaa sheegay in howlgalkaan uu kasii soconayo Xaafadaha Degmadaas si gacan-adag loogu qabto dadka ka ganacsada iyo kuwa iibsada Walxaha maanka-Dooriya.

Waxa uu Taliyuhu sheegay in ciidamada ammaanka dagaal adag ku wajahayaan walxaha maanka-dooriya oo qayb ka ah falalka amni darro oo cabasho la xiriirta dhaca Dadka Rayidka dhowr jeer soo gaartay.

“Innaga oo fulineyna Amar kasoo baxay Madaxda Dalka waxa aan ku dhaqaaqnay howlgal aan kula dagaalameyno Walxaha maanka-Dooriya, howlgalkaan waxa uu qayb ka yahay howlgallo ballaaran oo ka socda 17ka Degmo ee Gobolka Banaadir” ayuu yiri Taliyaha Booliiska Xamarjajab.

Haweeney uu soo bandhigay Booliiska ayaa qiratay in ay ka ganacsaneysay Walxaha maanka-dooriya, waxa ay sheegtay in ay iska dhaafi doonto ka ganacsiga walxahaan oo duruufo dhanka nolosha ah u gashay sida ay hadalka u dhigtay.

Guddoomiyaha Degmada Xamarjajab Mucaawiye Muudey ayaa dhankiisa sheegay in howlgalladaan ay kasii soconayaan xaafadaha Degmadaan si nabadgalyadeeda gacan adag loogu qabto.

Degmooyinka Gobolka Banaadir waxaa ka socda howlgallo lagula dagaalamayo Walxaha maanka-dooriya, Duqa Muqdisho ayaa horay u sheegay in Degmooyinka qaar laga hirgeliyay Warshado sameeya Khamri macmal ah, halka Xashiiska, Tubaakada Taabuu goobo kala duwan lagu iibiyo.

Mustaqbal

MM Editor

Recent Posts

MW Suuriya oo shaaca ka qaaday in ay heshiis dhinaca Amniga ah la gaari doonaan Israa’iil.

Madaxweynaha Suuriya, Ahmed al-Sharaa, ayaa shaaca ka qaaday in ay heshiis dhinaca Amniga ah la…

18 mins ago

Baarlamaanka Waqooyi Bari oo ansixiyay qaraar ka dhan ah Maamulka Waqooyi Galbeed

Fadhi aan caadi ahayn oo ay maanta magaalada Laascaanood ku yeesheen Xildhibaanada Baarlamaanka Dowlad goboleedka…

4 hours ago

Masar oo markale garab istaag u muujisay midnimada & Xasiloonida Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, Dr Badr Abdelatty ayaa markale ku celiyay in Dowladdiisa ay garab…

7 hours ago

Xukuumadda Netanyahu oo waqti kordhin u samaysay xaaladda ka dhalatay cabsida ay ka qabaan Iiraan

Sida ay ku warrantay Warbaahinta ku hadasha Afka Maamulka Israa’iil, waxaa maalmo dheeraad ah lagu…

8 hours ago

Shirarka looga hadlayo Mustaqbalka AUSSOM oo ka kala socda Muqdisho, Addis Ababa & Kampala

Magaalooyinka Muqdisho, Addis Ababa iyo Kampala waxaa ka socda shirar looga hadlayo Mustaqbalka Howlgalka Midowga…

10 hours ago

Ciyaaryahan Marc Cucurella oo sharaxay sababta uusan u jarayn Tintiisa

Ciyaaryahanka u dhashay Dalka Spain kuna guullaystay Koobka Adduunka 2026 ee lagu magacaabo Marc Cucurella…

10 hours ago