Kulankii 3-aad oo Xiriir ah waxa uu Maanta ka baaqanayaa Golaha Shacabka.

Xildhibaanada Golaha Shacabka waxaa maanta ka baaqanaya kulankii 3-aad oo xiriir ah, kadib markii khilaaf uu soo kala dhex galay Guddoonka Baarlamaanka iyo Xildhibaanada qaar.

Sababaha loo baajiyay kulamadaan wararka qaar waxa ay sheegayaan in laga baqdin qabo muran ka dhasha khilaafka in uu fadhiga saameeyo.

Gudoomiyaha Golaha Shacabka ayaa maanta kusoo wajahan si uu u saldhigo Muran siyaasadeedka ka dhex jira Guddoomiye ku xigeenada 1-aad iyo 2-aad ee Golaha Shacabka iyo Xildhibaano katirsan Golaha.

Maalmaha Sabtida, Isniinta iyo Arbacada ayay Xildhibaanada kulamadooda Caadiga ah yeelan jireen, fariin ballameedka fadhiga waxaa loo diri jiray 24-saac kahor si ay ula socdaan Ajendaha Maalintaas ay ka hadlayaan.

Khilaafka u dhaxeeya Guddoonka iyo Xildhibaanada qaar waxa uu ka dhashay Lacag la waayay halka loo isticmaalay sida Mustaqbal ay u sheegeen qaar kamid ah Xildhibaanada.

Guddiga Maaliyadda ee la kala diray ayaa warbixino ay soo saareen waxa ay ku sheegeen $50 Milyan oo Doolar oo boqortooyada Sacuudiga ku deeqday $20 Milyan kamid ah la waayay, inkastoo Wasaaradda Maaliyadda ay sheegtay in la hayo lacagtaas.

Gudoomiye Mursal oo shalay la hadlay VOA ayaa sheegay in maanta uu dalka dib ugu soo laabanayo si uu xal ugu gaaro is qab-qabsiga ka dhex jira ku xigeenadiisa iyo Xildhibaano katirsan Golaha Shacabka.

Todobaadyadii lasoo dhaafay Afhayeenka Golaha Shacabka Xildhibaan Maxamed Mursal waxa uu ku sugnaa Dalka Turkiga, waana tan keentay in ku xigeenadiisa ay fadhiga Shir Gudoomiyaan.

Lama ogo waxa uu ku soo kordhin doono Gudoomiyaha Golaha Shacabka Muranka sababay in fadhiyada Golaha uu baaqdo, waxaana la sugayaa waxa uu ka badalo Xiisad Siyaasadeedka Taagan.

Mustaqbal media

Recent Posts

Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo soo saaray Shuruudaha iyo Jadwalka Doorashada

Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…

9 hours ago

Maxay tahay farriinta uu bulshada u diray RW ku xigeen Jibriil oo celiyay Baasaboorka Kenya?

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…

11 hours ago

Degmada Shangaani oo dib looga howlgelinayo Biyo Mareennadii ay lahayd

Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…

14 hours ago

Natiijada Doorashadii isku sidkanayd ee Galmudug oo maanta la shaacinayo

Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…

14 hours ago

RW Xamsa oo Laascaanood kula kulmay qaar kamid ah Bulshada Magaaladaas

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…

15 hours ago

Trump oo shaaciyay Dalal uu sheegay in ay ka codsadeen joojinta dagaalka ka dhanka ah Iiraan

Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa soo bandhigay Dalal uu ku sheegay in ay ka codsadeen…

15 hours ago