Kooxda RSF ee gacanta ku dhigtay Magaalada Al-Faashir ee dhacda Waqooyiga Daarfuur waxaa lagu eedeeyay in ay dil wadareed u gaysatay Dad Rayid ah, waxaana laga cabsi qabaa in dad kale ay beegsan karto kooxdaas sida warbixinnada la helayo ay sheegayaan.
Ciidanka Suudaan ayaa isaga baxay Magaaladaan, waxaa gudaha usoo galay xubno hubaysan oo katirsan Kooxda taageerrada degdega ah (RSF) kuwaas oo billaabay in ay goobo isugu geeyaan Dadka rayidka ah oo ugu dambayn qaarkood la dilay.
Madaxda ugu sarreeya Militariga gacanta ku haya Suudaan Janaraal Cabdilfitaax Al-Burhaan ayaa sheegay in ay go’aan ku gaareen dib u gurashada ciidankooda jooga Magaalada Al-Faashir kaddib markii xeelado ciidan ay ku dhaqaaqeen.
Kooxaha u dooda Xuquuqda Aadanaha ee indhaha ku haya dalkaas ayaa sheegay in xasuuqa ka socda Suudaan uu xargaha goystay, waxa ay ku baaqeen in la dabaqabto dadka ka badbaaday xasuuqaan ka dhanka ah Dadka rayidka ah.
Muuqaallo lasoo geliyay baraha Bulshada waxaa ka muuqda Kooxo hubaysan oo u awood sheeganaya Dad rayid ah, dadkaas ayaa isugu jiray Haween, Carruur iyo dhallinyaro waana tan kordhisay cabsida laga muujinayo in dilalku sii kordhaan.
Warbixinno aanay dhegaha u rooreen ayaa si joogta ah isaga soo daba-dhacaya Suudaan oo ay ku loolamayaan Ciidamada Dowladda iyo kooxda Imaaraatku taageero ee RSF, waxaana sii dheer xaaladaha bani aadamnimo ee ka dhashay colaaddooda.
Mustaqbal
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa bogaadiyay tallaabooyinka Amni, Dib u dhis…
Mas’uuliyiin katirsan Dowladda Kenya ayaa laga soo xigtay in Xukuumadda Nairobi ay kordhinayso Ciidamada ammaanka…
Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…
Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…
Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…