Categories: GUDAHA/wararka

Fadhiga Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta u baaqday sanadguurada 25aad ee kasoo wareegtay shirkii Carta

Waxaa baaqday fadhigii maanta Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya uu lahaa kaddib markii la sheegay in Xildhibaannada iyo Guddoonkooda ay safar u yihiin Jamhuuriyadda Jabuuti oo berri lagu maamuusayo 25 sano guurada kasoo wareegtay shirkii Carta.

Warar ay heshay Mustaqbal ayaa sheegaya in guddoonka Baarlamaanka uu kamid yahay mas’uuliyiinta ka qaybgalaysa munaasabadda, waxaa Jamhuuriyadda Jabuuti kusii qulqulaya madax & xubno kale duwan oo munaasabaddaas xusuusta ah ka qaybgalaya.

Xubno ka socda Bulshada Rayidka oo qaarkood dalka dibaddiisa ka tagay ayaa qayb ka ah madasha dib loogu xusuusanayo Shirkii Carta ee sanadkii 2000 lagu qabtay Tuuladaas si Jamhuuriyadda Jabuuti dunida inteeda kale ay u tusto dedaalka ay gelisay Soomaaliya.

Magaalada Carta, waa halkii ay kasoo billaabatay silsiladda isku dhiibka Dowladda Soomaaliya, tan iyo xiligaas waxaa dalka soo maray 6 Madaxweyne oo uu ku jiro Madaxweynihii lagu doortay doorashadii ka dhacday dalkaas.

Mustaqbal

MM Staff

Recent Posts

MW Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta furaya Shirweynaha Badaha Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta furaya shirweynaha 1aad Badaha Soomaaliya oo…

37 mins ago

Kooxo hubaysan oo ku dagaalamay mid kamid ah Xarumaha Shidaalka ee Liibiya

Magaalada Zawiya ee qiyaastii 45ta Kiilo-mitir dhinaca Galbeed uga beegan Caasimadda Liibiya ee Tripoli waxaa…

51 mins ago

RW Xamsa oo bogaadiyay isbaddelka uu sameeyay Maamulka Waqooyi Bari

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa bogaadiyay tallaabooyinka Amni, Dib u dhis…

1 hour ago

Kenya oo kordhinaysa Ciidamada ka jooga deegaannada xiga Soomaaliya

Mas’uuliyiin katirsan Dowladda Kenya ayaa laga soo xigtay in Xukuumadda Nairobi ay kordhinayso Ciidamada ammaanka…

15 hours ago

Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo soo saaray Shuruudaha iyo Jadwalka Doorashada

Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…

17 hours ago

Maxay tahay farriinta uu bulshada u diray RW ku xigeen Jibriil oo celiyay Baasaboorka Kenya?

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…

20 hours ago