Kenya oo sheegtay in la soo gabagabeeyay howlgalkii Hotel Dusit ee Magaalada Nairobi.

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo amniga Qaranka Kenya Fred Matiangi oo Caawa Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay soo afjareen hawlgalkii ka socday Gudaha Hotel Dusit oo ay galeen Al-Shabaab.

Waxa uu intaa ku daray in Ciidamada ay hubiyeen dhammaan dhismaha oo saddexdii galabnimo ee maanta ay ka dheceen qaraxyo iyo is rasaaseyn taas oo ugu dambeyn uu sheegay in Ciidamada ay soo gaba-gabeeyeen.

Booliiska Kenya ayaa sheegay in weerarka uu ku bilowday Gaari uu watay qof isa soo miidaamiyay oo isku qarxiyay afaafka hore ee Hotelka, kadibne ay gudaha u galeen Dableydii Saacadaha Hoteelka heysatay.

Ciidamada Kenya ayaa wax ka badan 8 Saacadood ayay la tacaalayeen sidii ay usoo afjari lahaayeen Kooxda wax weerartay, iyada oo Dowladda Kenya wali si rasmi ah uga hadal khasaaraha ka dhashay weerarka iyo hadii ay wada togteen dableydii weerarka qaaday.

Warbaahinta Kenya ayaa sheegtay lambaro kala duwan oo ay ku sheegeen in ay gaarayaan dadka dhintay iyo kuwa Dhaawacmay.

In ka badan 10-ruux ayaa ku geeriyootay, halka ay dhaawacmeen in ka badan 30-kale, waxaana la geeyay isbitaalada, si looga daweeyo dhaawacyada soo gaaray.

Al-Shabaab oo sheegatay Mas’uuliyadda Weerarkaan waxa ay sheegtay in ay ku dileen in ka badan 47-qof, tiro intaa badane ay dhaawaceen.

Sawirro lagu baahiyay New York Times waxaa ka muuqda dad fadhiyay Baar oo jirkooda ay ka muuqato Rasaas, kuwaa oo isla goobta ku geeriyooday.

La soco wixii kasoo kordha.

Mustaqbal media

Recent Posts

Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo soo saaray Shuruudaha iyo Jadwalka Doorashada

Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…

13 hours ago

Maxay tahay farriinta uu bulshada u diray RW ku xigeen Jibriil oo celiyay Baasaboorka Kenya?

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…

15 hours ago

Degmada Shangaani oo dib looga howlgelinayo Biyo Mareennadii ay lahayd

Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…

18 hours ago

Natiijada Doorashadii isku sidkanayd ee Galmudug oo maanta la shaacinayo

Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…

18 hours ago

RW Xamsa oo Laascaanood kula kulmay qaar kamid ah Bulshada Magaaladaas

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…

20 hours ago

Trump oo shaaciyay Dalal uu sheegay in ay ka codsadeen joojinta dagaalka ka dhanka ah Iiraan

Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa soo bandhigay Dalal uu ku sheegay in ay ka codsadeen…

20 hours ago