Dowladda Kenya ayaa xoojisay ciidamada ka jooga Xadka ay la wadaagto Soomaaliya si ay uga hortagaan weerarrada ‘AS’ ay ka gaysanayaan gudaha Dalkaas iyo saldhigyada Ciidamo ee u dhow Soohdinta sida ay xaqiijiyeen ilo kala duwan.
Militariga Kenya oo wata Gaadiid badan ayaa la sheegay in ay usoo gudbeen dhinaca Xadka Soomaaliya, waxaana la kordhiyay Ciidamada ka howlgalla goobaha ay isaga kala gudbaan Gawaarada isaga kala gooshta labada Dal.
Ilo amni ayaa ku warramay in Madaxweynaha Kenya uu dhowaan la kulmay Saraakiisha Ciidamada Militariga, Sirdoonka iyo Booliiska isaga oo kala hadlay adkaynta nabadgalyada iyo kahortagga weerarrada ‘AS’ sida hadalka loo dhigay.
Kenya ayaa diidan in uu culays ka yimaado waddooyinka muhiimka u ah isu socodka ciidankeeda ka jooga Soomaaliya oo si joogto ah Sahayda u gudbista, sidoo kale arrinta labaad ayaa ah in haddii weerarrada sii kordhaan uu badanayo amni darrada gudaha dalkeeda.
La soco wixii kasoo kordha
Mustaqbal
Sida ay ku warrantay Wakaaladda Wararka Reuters, waxaa sii kordhay dadka Tahriibayaasha ah ee ku…
Allaha U Naxariistee Axmed Cali Cigaal oo kamid ahaa Fannaaniinta Soomaaliyeed ayaa ku geeriyooday Dalka…
Shirka Madaxda Dalalka ciidamada usoo diray Soomaaliya iyo Dowlada Federaalka ay ku yeesheen Magaalada Kampala…
Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa berri lagu wadaa in uu furmo iyada oo…
Soomaaliya ayaa kamid noqotay dalal badan oo xaaladda Badda Cas kulmisay si looga hortago halista…
Lataliyaha sare ee Madaxweynaha Maraykanka ee Arrimaha Carabta iyo Waqooyiga Afrika, Massad Boulos ayaa beeniyay…