Sharikadda Diyaaradaha ee Kenya Airways ayaa sheegtay in ay joojisay qorshe ay ku dooneysay in ay duullimaad toos ah oo Muqdisho iyo Nairobi ah ku billaabi lahayd.
Duullimaadka Sharikadda ayuu qorshuhu ahaa in la billaabo 15kii Bishii la soo dhaafay dib ayaa loo dhigay ilaa maanta oo Arboco ah,waxaana qoraal shalay ka soo baxay Kenya Airways lagu sheegay in duulimaadyadaas ilaa amar dambe dib loo dhigay.
Madaxa Kenya Airways Sebastian Mikosz, ayaa sheegay in wali aysan dowladda Soomaaliya iyo iyaga isla fahmin shuruucda iyo shuruudaha sidaas darteedna ay duullimaadkooda dib u dhigeen ilaa wargelin dambe laga helayo.
Kenya Airways ayaa u qorsheysay duullimaadka Muqdisho in ay u adeegsato diyaarad yar oo lagu magacaabo Bombardier Dash 8 Q400, taas oo tayo ahaan liidata.
Waddamada Burundi,Koofurta Suudaan iyo Jabuuti ayaa Kenya Airways ka diiday diyaaraddan,waxaana arrintaas ay sababtay in xiriirka dalalkaas iyo Kenya uu muran galo.
Tikidka Kenya Airways ee Nairobi iyo Muqdisho aya aqiimahiisa lagu sheegay $403 doollar marka uu qofka goosanayo tikid soo laabasho wata,marka uu qofka soo laabaneyna waxaa uu tikidka ku qaadan karaa $218 doollar.
Isha: Daily Nation.
War-saxaafadeed ka soo baxay Ciidamada Booliiska Dowlad Goboleedka Puntland ayaa lagu sheegay in ay la…
Madaxweynaha dalka Nigeria, Bola Tinubu, ayaa amar ku bixiyey in la kordhiyo mushaarka ciidanka milateriga…
Wararka naga soo gaaraya magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ayaa sheegaya in Ciidamada Amniga Puntland…
Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Bangladesh, Sheekh Xasiina, ayaa shaaca ka qaadday inay dalkeeda dib…
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cabdisalaam Cabdi Cali ayaa kulan gaar ah maanta la yeeshay Ra’iisul…
Dowladda Jabuuti ayaa sheegtay in ay diirada saareyso dagaalka ka dhanka ah As, iyadoo qeyb…