Banaadir

Jaad laga keenay dalka Itoobiya oo maanta lagu gubay Magaaladda Muqdisho.

Guddoomiye Ku xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir Maxamed Cabdullaahi Tuulax oo ay wehliyaan Hey’addaha Garsoorka, Taliska Qeybta Galbeed ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed iyo Guddoomiyaha Degmada Wadajir ayaa Saldhiga Booliiiska degmada Wadajir ku gubay 51 jawaan oo Maandooriyaha Khaat-ka ah, kaasi oo si sharci darro ah lagu soo geliyay Muqdisho.

Taliyaha Qeybta Galbeed ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Yuusuf Xundubeey ayaa sheegay in xalay Howlgal ay  fuliyeen ugu suura gashay in ay gacanta kusoo dhigaan gawaari lagu siday Khaat sharci darro ah.

Dhinaca kale Xeer ilaalinta iyo Maxkamada Gobolka Banaadir oo goobta ku sugnaa ayaa xukunno 6 bilood oo xarig ah ku riday Milkiilayaasha Gawaaridaasi oo Afar ruux ah, kuwaasi oo baxsad ah, iyadoona sidoo kale Laamaha Garsoorka oo cuskanaya qodobo dastuuri ah sheegay in lala wareegay 4 Gawaari oo ahaa kuwii lagu qabtay Khaat-ka.

Guddoomiye Ku xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir Maxamed Cabdullaahi Tuulax ayaa sheegay in aan loo dulqaadan doonin kuwa aan u hogaan-samin awaamiirta Dowladda oo ahaa in aan wax khaat ah lasoo gelin-karin dalka maadaama lala dagaalayo Cudurka COVID19, isla markaana Khaat-ka uu ka mid yahay Maandooriye aan caafimaad ahaan Bulshada u wanaagsaneen sahli karana faafitaanka COVID19.

Maalmihii lasoo dhaafay ayaa waxa ay laamaha Ammaanka ku guuleysteen in ay gacanta ku soo dhigaan, Doomo iyo Gawaari si sharci darro ah Magaalada Muqdisho kusoo gelinayay maandooriyaha Khaat-ka, iyadoona lala wareegay gaadiidkaasi jibiyay amarada Dowladda.

MM Staff

Recent Posts

Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo soo saaray Shuruudaha iyo Jadwalka Doorashada

Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…

5 hours ago

Maxay tahay farriinta uu bulshada u diray RW ku xigeen Jibriil oo celiyay Baasaboorka Kenya?

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…

7 hours ago

Degmada Shangaani oo dib looga howlgelinayo Biyo Mareennadii ay lahayd

Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…

10 hours ago

Natiijada Doorashadii isku sidkanayd ee Galmudug oo maanta la shaacinayo

Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…

10 hours ago

RW Xamsa oo Laascaanood kula kulmay qaar kamid ah Bulshada Magaaladaas

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…

12 hours ago

Trump oo shaaciyay Dalal uu sheegay in ay ka codsadeen joojinta dagaalka ka dhanka ah Iiraan

Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa soo bandhigay Dalal uu ku sheegay in ay ka codsadeen…

12 hours ago