Dowladda Federaalka ah ee Itoobiya ayaa sheegtay in ay diyaarisay ciidamo howlgal cusub ku qaads Al-shabaab.
War ka soo baxay Dowladda Itoobiya oo lagu xaqiijiyay weerar Jimcihii Ciidanka Itoobiya ee ku jira AMISOM ay kala kulmeen Al-shabaab ayaa lagu sheegay in aysan jirin sheegashada Al-shabaab ee ah dilka 57 Askari oo Itoobiyaan ah.
Warbixinta ka soo baxday Dowladda Itoobiya ayaa lagu sheegay in ciidankooda oo maraya inta u dhaxeysa Buur Hakaba iyo Baydhaba ay jidka u galeen AL-shabaab islamarkaana ay iska difaaceen.
Waxaa ay Dowladda Itoobiya sheegtay in dagaal ka dhan ah Al-shabaab ay qaadayaan Ciidamadeeda ku jira AMISOM ee jooga Soomaaliya.
Dhinaca kale war ka soo baxay AMISOM ayaa lagu sheegay in weerarkii Jimcihii ka dhacay Deynuunaay ay ku dhaawacmeen saddex ka mid ah Ciidamka AMISOM ee ka socda Itoobiya.
Waxaa kale oo AMISOM ay sheegtay in AL-shabaab ay ka dileen afar qof tiro kalena ay ka dhaawaceen,iyaga oo ku faanay in weerarkaasi la iska caabiyay.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa bogaadiyay tallaabooyinka Amni, Dib u dhis…
Mas’uuliyiin katirsan Dowladda Kenya ayaa laga soo xigtay in Xukuumadda Nairobi ay kordhinayso Ciidamada ammaanka…
Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…
Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…
Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…